Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiktok oo la filayo in laga xidho dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda Shiinuhu waa inay iibisaa hawlaheeda Maraykanka 24-ka saacadood ee soo socda ama waxay wajaheysaa shaqo joojin.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ay jiraan dad iibsan kara, uuna ku kalsoon yahay in heshiis lagu gaadhi karo waqtigii loogu talagalay.

App-ka caanka ah ee Shiinaha oo ay isticmaalaan 170 milyan oo reer Maraykan ah kuwaas oo rajaynaya in aan laga xirin shabakadaasi oo ay dhalinyarada si weyn u isticmaalaan.

Sannadkii hore, maamulka Biden waxa uu dalbaday in la iibiyo app-ka Shiinaha ama wajaho mamnuucid waddanka oo dhan ah isagoo cuskaday arrimaha amniga qaranka.

Markii uu soo dhawaaday waqtigii kama dambaysta ahaa ee Janaayo, app-ka si kooban ayaa loo xiray, laakiin wuxuu soo laabtay ka dib markii Trump uu saxiixay amar fulin ah oo lagu siinayo waqti dheeri ah. Wakhtiga kama dambaysta ah ee iibka waa 5ta Abriil.

Ilaa hadda, Saraakiisha Shiinaha ayaa si cad uga soo horjeeda iibka waxayna si cad u sheegeen in xogta algorithm ee shirkadu ay tahay tignoolajiyada aan ka bixi karin gacanta Shiinaha.

TikTok waa shirkad hoos timaada shirkada ByteDance oo si gaar ah loo leeyahay. Marka loo eego tirooyinka ay daabacday TikTok, ku dhawaad ​​60% ByteDance waxaa iska leh maalgashadayaasha hay’adaha, 20% kale waxaa iska leh aasaasaha shirkadda iyo 20% shaqaalaha ByteDance.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this