Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda Masar iyo Israa’iil ee ka taagan xuduudda Sinai

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiin Masri ah ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay si ula kac ah u hurinayso xiisado, kadib markii ay si been ah u sheegtay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda waqooyiga Sinai ay jabinayaan heshiiskii nabadeed ee labada dal ay gaareen.

Diblomaasi sare oo ku sugan Qaahira ayaa u sheegay Middle East Eye (MEE) in xiriirka Masar iyo Israa’iil uu hoos u dhacay ilaa heerkii ugu liitay tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza, iyadoo cabsi laga qabo in duullaanka cusub ee Israa’iil uu hordhac u yahay qorshe barakicin qasaba ah oo lagu saari karo Falastiiniyiinta ka harsan gudaha Gaza.

Falanqeeyayaal Israa’iiliyin iyo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale ka digay in maamulka Israa’iil uu xoojinayo khilaafka si uu u beddelo ra’yiga shacabka oo uu uga dhigo mid ka soo horjeeda Masar — arrin lagu micneeyay in lagu fududeynayo barakicinta Gaza, isla markaana lagu horumarinayo yoolalka istiraatiijiyadeed ee Israa’iil ee gobolka.

Assaf David, agaasimaha barnaamijka “Israel in the Middle East” ee Machadka Van Leer ee magaalada Jerusalem ahna bare ka tirsan Jaamacadda Cibraaniyada, ayaa MEE u sheegay: “Hurinta waa muuqataa. Waxaan aaminsanahay in xukuumadda Netanyahu ay si dhab ah ugu go’an tahay qorshaha nadiifinta qowmiyadeed.”

“Haddii dareenka shacabka Israa’iil ee ku wajahan Masar is beddelo, arrintu way u fududaanaysaa. Sidaas darteed, dagaal lagu abuuro Masar wuxuu dhigayaa salka qorshahan.”

Warbixino marin habaabin ah

Warbaahinta Israa’iil ayaa toddobaadkan werisay in Masar ay kordhisay joogitaanka ciidan ee waqooyiga Sinai — xuduudda Gaza — iyadoo ka tallaabeysa xaddiga ciidanka ee lagu oggol yahay heshiiska, isla markaana la dhisay kaabayaal cusub oo ku yaalla dekedaha iyo saldhigyada cirka.

Mas’uuliyiin Israa’iili ah ayaa sheegay in arrimahan lala wadaagay Qaahira iyo Washington. Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa Khamiistii sheegay in Israa’iil aysan oggolaan doonin in Masar ay jebiso heshiiskii Camp David ee 1979.

Balse sarkaal sare oo hore oo Masar ah ayaa u sheegay MEE in aysan jirin wax jabin ah oo dhacay, isagoo xusay in joogitaanka ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee milatari ay waafaqsan yihiin heshiiskii asalka ahaa iyo wax-ka-beddelladii xigay.

Janaraal Ahmed Ibrahim Kamel — oo hore u soo noqday madaxa hay’adda sirdoonka milatari ee Masar iyo ku xigeenka agaasimaha guud ee sirdoonka — ayaa sheegay in isbeddel lagu sameeyay heshiiska sanadkii 2005 uu Masar u oggolaaday inay geyso hal cutub oo ka tirsan ciidanka ilaalinta xuduudaha, kuwaas oo si buuxda u hubeysan, isla markaasna la geeyay xadka Gaza kadib markii Israa’iil ay ka baxday halkaas.

Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgaladii la dagaalanka argagixisada ee Sinai muddadii u dhexeysay 2013 ilaa 2021 ay ahaayeen kuwa si buuxda loola kaashaday Israa’iil.

Kamel wuxuu MEE u sheegay: “Sida caadiga ah, Israa’iil iyo warbaahinteeda marin-habaabinta ahi ma bixinayaan xaqiiqooyinka oo dhan, gaar ahaan isbeddellada lagu sameeyay lifaaqa milatari ee heshiiska. Waxay si joogto ah u diidaan inay Masar u aqoonsadaan la-hawlgalaha nabadda, iyagoo doorbidaya inay ku muujiyaan Masar mid dhibaatada qayb ka ah. Taasi waxay si gaar ah ugu muuqatay xasaradda Gaza ee sanadkii iyo bar ee la soo dhaafay.”

Sayed Ghoneim, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Daraasaadka Sare ee Ciidanka Masar iyo janaraal hore, ayaa isna u sheegay MEE in Israa’iil ay si qaldan u fahantay qodobbada heshiiska.

Wuxuu xusay in ay jiraan hannaan sharci ah oo u oggolaanaya Masar iyo Israa’iil inay wax ka beddelaan abaabulka milatari iyadoo aan la baabi’in heshiiska, isagoo tusaale u soo qaatay ciidamadii Masar ee loo diray xuduudda Rafax sanadkii 2021.

MEE waxay la xiriirtay Ciidanka Caalamiga ah iyo Kormeerayaasha (MFO), hay’adda caalamiga ah ee la aasaasay si ay u kormeerto fulinta heshiiskii 1979, si loo weydiiyo haddii ay diiwaangeliyeen wax jabin ah oo dhowaan dhacay. Hase yeeshee, wax jawaab ah lagama helin waqtiga la daabacayay warbixinta.

Safiiro maqan

Cabsi sii kordheysa oo laga qabo in Israa’iil ay qorshaynayso barakicin qasab ah oo loogu raro Falastiiniyiinta Gaza dhanka Sinai — taasoo ay sal u tahay soo jeedintii hore ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump — ayaa sii xumeysay xiriirka labada dal.

Diblomaasi Masri ah oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa u sheegay MEE in xiriirka hadda uu ka xun yahay sidii uu ahaa tan iyo 7-dii Oktoobar 2023.

Wuxuu sheegay in Masar ay diiday inay aqbasho waraaqaha aqoonsiga safiirka cusub ee Israa’iil, Uri Rothman, oo la magacaabay bishii Sebtembar ee la soo dhaafay.

Shaqaalaha safaaradda Israa’iil ee Masar iyo wadamada kale ee Carabta ayaa intooda badan laga daadgureeyay sababo la xiriira amniga, iyadoo Israa’iil ay kaliya si kooban u joogto safaaraddeeda Qaahira.

Masar iyaduna ma hayso safiir rasmi ah oo jooga Israa’iil kadib markii aan la magacaabin beddelka Khaled Azmi, oo si qarsoodi ah uga tagay xilka toddoba bilood kahor.

Si kastaba, falanqeeyayaal ayaa sheegay in ay jiraan arrimo kale oo ka baxsan barakicinta shacabka Gaza oo sidoo kale saameynaya xiriirka labada dal.

Assaf wuxuu qiray in yoolka ugu weyn ee Israa’iil uu yahay in la abuuro xaalad horseedaysa in dadka Gaza loo raro dhulka Masar.

Laakiin wuxuu sidoo kale xusay in arrintu ay muujinayso khilaafyo siyaasadeed iyo is-qabqabsi ka dhex jira dowladda Israa’iil, iyo sidoo kale loollanka Masar iyo Qatar ee ku saabsan doorka dhex-dhexaadinta wadahadallada xabbad-joojinta ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Wuxuu intaas ku daray in xiriirka Masar iyo Israa’iil inta badan gacanta ugu jiray hay’adaha milatari iyo amniga ee Israa’iil, kuwaasoo xiriirkaas u maareeyay si masuuliyadi ku dheehan tahay, iyagoo sal ka dhigaya heshiisyada nabadeed ee labada dhinac.

Assaf wuxuu sidoo kale sheegay in fadeexadda loo yaqaan “Qatargate” — taasoo lala xiriiriyay la-taliyeyaal ka tirsan xafiiska Netanyahu oo lagu eedeeyay xiriirka saraakiil Qataari ah — ay muujineyso in laga yaabo in xukuumadda Israa’iil ay qorsheyneyso in Masar laga riixo doorka dhexdhexaadinta.

Xariiqda cas ee Sisi

Ameer Makhoul, u dhaqdhaqaaqe Falastiini ah oo qoraa ka ah Israa’iil, ayaa sheegay in Israa’iil ay doonayso in xaalad degdeg ah lagu barakiciyo shacabka Gaza, iyada oo la adeegsanayo duqeymo xooggan si ay ugu qasbanaadaan inay u guuraan dhulka Masar.

Wuxuu sidoo kale xusay in Israa’iil ay raadinayso yoolal istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin ballaarinta dekedda Ashdod si ay u gaarto Gaza — qeyb ka ah mashruuc lagu sameynayo marin ganacsi oo isku xira Aasiya iyo Yurub iyada oo loo marayo jasiiradda Carabta — iyo la wareegidda ilaha gaaska badda ee xeebaha Gaza.

Sidoo kale, qorshuhu wuxuu ka mid ahaa dhismaha kanaal cusub oo la tartama kanaalka Suweys — oo laga bilaabo Deir al-Balah ee Gaza loona mariyo dekedda Eilat ee Badda Cas — taasoo sidoo kale ku lug leh barakicinta beelaha Bedouin ee Negev.

“Dhammaan arrimahani waxay khatar ku yihiin ammaanka qaranka Masar waxayna wiiqayaan istiraatiijiyadda gobolka. Arrintaas waxay Israa’iil ku khasbaysaa inay xiriirka ku adkayso ama Masar isku daydo inay cabburiso,” ayuu yiri.

Masar iyo dalalka kale ee Carabta ayaa si adag u diiday in Falastiiniyiinta laga raro Gaza, iyadoo Masar ay soo jeedisay qorshe kale oo ay taageerayso Jaamacadda Carabta oo ku saleysan in Gaza dib loo dhiso iyadoo aan dadkeeda laga raraynin.

Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi ayaa barakicinta ku tilmaamay “xariiq cas” oo khatar ku ah ammaanka qaranka Masar.

Israa’iil ayaa mar kale qaaday duullaan ballaaran oo ka dhan ah Gaza, iyadoo Qaramada Midoobay Khamiistii sheegtay in laba-meelood meel dhulka Gaza ah lagu soo rogay amarro barakicin ah ama uu noqday “goob mamnuuc ah,” waxaana ka mid ah magaalada Rafax iyo inta badan koonfurta Gaza.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this