Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo amaro lagu xoojinayo nabadda kusoo rogtay degmada Ceel-afwayn

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland ayaa mamnuucday in dadka rayidka ahi hub ku dhex qaataan degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag, kaddib markii uu iska hor imaad dhowaan ku dhexmaray beelo deegaankaas wada dega.

Xukuumaddu waxay amaradan soo rogtay kaddib shir dib-u-heshiisiin ah oo dhexmaray dadka deegaanka, kuwaas oo ay hore u dhexmareen dagaallo soo noqnoqday.

“Galabta hawlgalkii ayaanu bilaabaynaa. Cid kasta oo degmada Ceel-afwayn lagu qabto iyadoo qori wadata, waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan. Lama arki karo ciidan madani ah oo hub magaalada ku dhex sita ama lasoo galay,” ayuu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada madaniga ah ee ku sugan deegaanka Ceel-afwayn, ee aan weli la qaramayn, loo samayn doono xeryo ay ku sugnaandoonaan inta la qaramaynayo, isla markaana haddii magaalada lagu arko qof xidhan labis ciidan oo aan ka tirsanayn ciidanka rasmiga ah, lagaga saari doono suuqa dhexdiisa.

Guddoomiye Muuse waxa uu xusay in guul weyn laga gaadhay qorshaha nabadaynta gobolka Sanaag iyo magaalada Ceerigaabo, islamarkaana gobolka ay ka socoto hub ka dhigis guud oo lagu samaynayo shacabka si loo xoojiyo nabadda iyo wada-noolaanshaha dadka deegaanka.

Xukuumaddu waxay sidoo kale gogol nabadeed dhigtay magaalada Ceerigaabo, kaddib markii la qaramay ciidamadii madaniga ahaa ee halkaas ku sugnaa. Waxa kale oo ay ugu baaqday ku dhawaad 45,000 oo qof oo magaalada ka barakacay in ay dib ugu soo noqdaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this