Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Kampala

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Booqashadan ayaa ujeedadeedu tahay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo iskaashiga ganacsi.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmi doona dhiggiisa Uganda, Mudane Yoweri Museveni, si ay uga wada hadlaan arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin taageerada ciidamada Uganda ee howlgalka AUSSOM oo bedeli doona ATMIS.
Booqashadaan ayaa sidoo kale muhiim u ah sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo sii dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro Shabaab.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this