Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiro hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay nawaaxiga Madaxtooyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo goordhow lagu garaacay agagaarka dhismaha xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo jugtooda si weyn looga maqlay gudaha caasimada.

Illaa 4 hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafaddo aad ugu dhow xarunta madaxtooyada, gaar ahaan degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mid kamid ah madaafiicda uu ku dhacay Tiyaatarka Qaranka, waxaana ku dhaawacmay hal oo kamid ah howldeennada Tiyaatarka.

Sidoo kale laba ruux oo ayaa ku dhaawacmay hoobiye kale oo ku dhacay barxadda Warta Nabadda, halka lasoo wariyay in mid kale uu ku dhacay guri ay dagan yihiin dad shacab ah oo isna ku yaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka xarunta Villa Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah u socda dhaq-dhaqaaqa waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa madaxtooyada oo ah meesha la weeraray.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan lagu qaaday garoonka Aadan Cadde oo madaafiic lagu garaacay, xilli uu kasoo degagay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo booqasho hal maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho, kadibna dib uga laabtay.

Waxaa kale oo xigay weerar kale oo hoobiyeyaal ah oo Al-Shabaab ay ku garaaceen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo isna gaystay khasaare kala duwan.

Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo xilli haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Khawaarijta, isla markaana la’isku hayo furimaha hore ee dagaalka.

Kooxda ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga soo saartay gobollada Shabeelooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo dhinaca jidka degmada Balcad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this