Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Ra’iisul Wasaare Xamse imanayo Laascaanood?

Recommended Posts

Deeq A.   
1000010606.png?resize=940%2C788&ssl=1

Maamulka SSC-khaatumo ayaa xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ku soo wajahan yahay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Caddaaladda maamulkaas Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa sheegay “maamul ahaan iyo ka shacab ahaanba waxaanu u diyaargaroobaynaa imaanshaha R’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo iman doona Laascaanood”.

Wuxuu intaas ku daray in maamulka SSC-Khaatumo yahay midka ugu amniga badan Soomaaliya laga soo bilaabo Buuhoodle ilaa Ceerigaabo. Wasiir Xijaar ma uusan sheegin xilliga rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaase Xamse imanayo Laascaanood.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka jira in Ra’iisul Wasaare Xamse imanayo Laascaanood? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this