Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar kamid ah suuqyada caalamka oo hoos u dhacay ka dib canshuurti Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa guud ahaan caalamka laga dareemayaa saameynta canshuurihii baaxadda lahaa ee uu soo rogay maamulka madaxwayne Donold Trump. Qaar ka mid ah suuqyada caalamka ayaa hos u dhac ku yimid.

Khubarada ayaa dhanka kale ka digaysa in suuqyada Mareykanka ay sidoo kale saameyn wayn ku yeelanayso canshuurtan cusub.

Hoos u dhac hor leh ayaa ku yimid saamiyada suuqyada Asia, ka dib ku dhawaaqistii canshuuraha ee Donald Trump.

Shirkadaha Nike, Apple, iyo Target ayaa kamidkuwa ay sida ba’an ugu dhufteen canshuurahani iyagoo hoos u dhacay in ka badan 9%.

Trump oo ku sugnaa Aqalka Cad, ayaa wariyeyaasha u sheegayn in arrimahan ay si wanaagsan haatan u socdaan isla markaana ay dhaqaalaha Mareykanka “sare u qaadi doonaan” .

Madaxweynaha Jamhuuriga ayaa qorsheynaya inuu canshuuro badan ku soo rogo dalal kale oo dhowr ah, oo ay ku jiraan saaxiibada ganacsiga sida Shiinaha iyo Midowga Yurub.

Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

Isbadalkii ganacsi ee ugu waynaa dunida muddo qarni ah ayaan cagta saaranay – Tifafaraha arimaha dhaqaalaha ee BBC

Hogaamiyeyaasha dunida oo ku tilmaamay canshuuraha Trump mid ‘khalad ah’ oo aan loo ‘meel dayin’

Shiinaha: ‘nuuc walba oo dagaal Maraykanka ka dhan ah ayaan diyaar u ahay’

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this