Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya iyo Soomaaliya oo Xoojinaya Xiriirka Dibloomaasiyadeed iyo Iskaashiga Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Kenya ayaa shaaca ka qaaday sida ay dowladdiisu uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la leedahay Soomaaliya, taasoo salka ku haysa horumarinta ganacsiga iyo adkaynta amniga gobolka.

Warkan ayaa yimid kaddib markii Madaxweynaha Kenya uu wadahadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha muhiimka u ah labada dal.

Madaxweyneyaasha ayaa isla qaatay in labada dal ay xoojiyaan dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada iyo khataraha kale ee amni ee ka jira gobolka.

Waxay carrabka ku adkeeyeen in la dhiso hab lagu wadaago xogta sirdoonka, lana dardar geliyo iskaashiga ciidamada si looga hortago khataraha amni ee saameynaya gobolka iyo caalamkaba.

Madaxweynaha Kenya ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay inay la shaqeyso Soomaaliya si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida, halka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu muujiyay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay yeeshaan xiriir dhow oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta ganacsiga iyo fududeynta isu-socodka ganacsatada labada dal. Waxaa la isla qaatay in la abuuro fursado ganacsi oo dheeraad ah, lana fududeeyo caqabadaha ku hor gudban ganacsiga xuduudaha ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa xusay in iskaashiga ganacsi ee labada dal uu horseedi karo koboc dhaqaale, taasoo dan u ah shacabka Soomaaliyeed iyo Kenyanba.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this