Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Socdaalka oo Gacanta Ku Dhigtay Dhalinyaro Tahriib Ku Socotay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa shaacisay in ay xoojisay dadaallada ka dhanka ah tahriibka, si loo badbaadiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee halis ugu jira safarro sharci-darro ah oo ay ku wajahaan Yurub, Aasiya, iyo Afrika.

Sida ay hay’addu sheegtay, “Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaa la hakiyay tiro dhalinyaro ah oo da’doodu u dhaxeyso 18-25 sano, kuwaas oo lagu qabtay iyagoo u socdaalaya qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika si sharci-darro ah.”

Sidoo kale, saddexdii bilood ee ugu dambeysay ee sanadkan 2025, hay’addu waxay xustay in ay ka hortagtay tahriibka 124 dhalinyaro Soomaaliyeed ah. “Waxaan diiwaan-gelinay in boqolaal dhalinyaro ah ay damacsanaayeen safarro tahriib ah, balse waaxdayadu ay ku guuleysatay in la joojiyo,” ayay tiri hay’adda.

Dhinaca kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegtay in ay wacyigelin ballaaran ka sameyneyso qatarta tahriibka. “Waxaan diyaar u nahay in aan si buuxda u barnaamijyo wacyigelin ah ugu sameyno dhalinyarada, si ay u fahmaan halista socdaalka sharci-darrada ah,” ayay hay’addu ku dartay.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay ugu baaqday waalidiinta iyo bulshada in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, si looga hortago shabakadaha tahriibka ee dhalinyarada Soomaaliyeed halista gelinaya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this