Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdimaalik Coldoon oo la xiray kadib markii uu Burco ka baxsaday + Sababta xarigiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo ah suxufi iyo samafale caan ku ah ka shaqaynta arrimaha samafalka ee Somaliland ayaa shalay markale lagu xiray Somaliland, gaar ahaan magaalada Berbera.

Inkasta oo aan si cad loo shaacin sababta rasmiga ah ee xadhigiisa, haddana warar kala duwan ayaa soo baxaya. Cabdimaalik ayaa 22-kii Maarso ka baxsaday magaalada Burco oo uu deggen yahay, kadib markii uu sheegay inuu helay war sheegaya in la doonayo in la xidho.

Wuxuu muddo dhowr maalmood ah ku sugnaa deegaanka Bohol, balse qoyskiisa iyo dad kale ayaa ku qanciyay inuu dib ugu soo laabto Burco.

“Cabdimaalik Muuse Coldoon, walaal wax dhiba ma jiraan ee dadkaaga dhinac ka raac markaad wax dhaliilayso, si asluub leh u dhaliil,” ayuu kula taliyay walaalkiis, Cabdiraxmaan Muuse Coldoon. “Xafiiska Cabdiraxmaan Cirro wuu kuu furan yahay. Wixii aad qoonsato waad ula tegi kartaa. Waa nin wanaagsan oo deggan, dadka dhegeysta.”

Intaas kadib, Cabdimaalik wuxuu kusoo laabtay magaalada Burco, hase yeeshee shalay ayaa lagu xidhay magaalada Berbera kadib safar uu kaga yimid Burco. Warar soo baxay ayaa sheegay in xadhigiisu la xidhiidho faallo uu ka bixiyay warbixin ay Al Jazeera Carabi baahisay oo ku saabsaneyd qaxootiga reer Gaza.

Mowqifka Coldoon iyo jawaabta xukuumadda

Cabdimaalik ayaa si adag uga falceliyay warbixintaas, isaga oo yiri: “Waxaan kasoo jeedaa Soomaaliya, wasiirkana nama matalo. Wuxuu matalaa dowlad calooshood u shaqeystayaal ah, reer Falastiin waa walaalaheen, dadka Gaza-na waxay sii ahaan doonaan kuwo sabir iyo adkaysi ku jooga dhulkooda.”

Inkastoo aanay laamaha amniga si rasmi ah u caddeyn waxa lagu haysto Coldoon, haddana hadalkiisa ayaa la rumeysan yahay inuu sabab u noqday xadhigiisa.

Taageeradii xisbiga Waddani ee Coldoon

Xisbiga Waddani ee hadda talada haya ayaa hore marar badan uga hadlay xadhiga Coldoon xilligii xukuumaddii hore ee Biixi, iyagoo xadhigiisa ku tilmaamay sharci darro.

Waxa uu markaas xisbigu sheegi jiray in xadhigiisu ka hor imaanayo xorriyadda hadalka ee uu qaanuunku damaanad qaaday.

“Cabdimaalik waxa lagu haystaa arragtidiisa iyo xorriyadda hadalka ee uu cabiray, taasoo uu xaq u leeyahay muwaadinku. Dastuurkuna wuxuu xaq u siinayaa in uu wax dhaliilo ama taageero. Xadhigiisu waa sharci darro, waxaanu ugu baaqaynaa cidda qafaalatay in ay siidayso,” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda, Yoonis Axmed Yoonis, oo markaas ahaa Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Waddani, laba sano kahor markii la xidhay Coldoon.

Taariikhda xadhigyada Coldoon

Cabdimaalik Muuse Coldoon waxa hore loogu xidhay eedo la xidhiidha magac-dil iyo faafin been abuur ah oo la sheegay inuu u geystay Iskuulka Abaarso iyo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Eedahaas oo marna lagu xukumay, marna lagu waayay.

Colaadda u dhaxaysa Coldoon iyo xukuumadda Somaliland ayaa bilaabantay sannadkii 2017, xilligaa oo uu taageero u muujiyay madaxweynihii Soomaaliya ee la doortay, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, isagoo markaa ahaa saxafi.

Taageeradaas kadib, waxa uu bartilmaameed u noqday xukuumadda Somaliland, taasoo keentay in marar kala duwan la xiro.

Dhinaca kale, taageerayaashiisa iyo ururrada u dooda xorriyadda hadalka ayaa mar kasta ku doodaya in xadhigiisu yahay mid siyaasadaysan, loona adeegsaday cadaadis lagu cabburinayo saxaafadda iyo aragtida madaxa bannaan.

Waxaa la filayaa in arrintan ay sii xoojiso dooda ku saabsan xornimada saxaafadda iyo xaddidaadda xorriyadda hadalka ee Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this