Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo qabatay 124 dhallinyaro oo la tahriibinayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa maanta ku dhawaaqday inay mudooyinkii dambe xoogga saartay ka hortagga, la-dagaalanka tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah, islamarkaana ay xirtay dad badan oo ku lug leh arrimahaas.

War-saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu yiri: “Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay todobaadyadii ugu danbeeyay hakisay tiro socdaal sharci darro ah oo ay ku tahriibayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo da’dooda u dhaxeyso 18-25 sano, una safrayay wadamada qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Sadexdii bilood ee ugu danbeeyey ee sanadka 2025, Hay’addu waxay ka hortagtay 124 qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwaas oo qorshaynaayey in ay bilaabaan safaradooda tahriibka ah iyagoo u safraaya qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.”

Hay’addu waxay intaa ku dartay: “Dhammaan dhallinyarada lagu helay cadaymo muujinaya in ay tahriibayeen ayaa lagu wareejiyay hay’adaha ku shaqada leh ee JFS.”

Qoraalka ayaa sidoo kale ku boorriyay waalidiinta Soomaaliyeed, isagoo yiri: “Hay’adda waxaa waajib ka saaranyahay badbaadinta mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed si aanay ugu halaagsamin badaha iyo khataraha kale ee uu leeya- hay tahrribku,, sidaas awgeed hay’addu waxay waalidiinta Soomaaliyeed ku baraarujineysaa ka warqabka dhaq-dhaqaaqa ubadkooda si aan wadajir uga badbaadino khataraha ay la kulmayaan muddada ay safarka tahriibka ku jiraan.”

“Hay’adda Socdaalka & Jinsiyaddu waxay kaalin buuxda ka qaadaneysaa hakinta socdaalka sharci darrada ah iyadoo diyaarin doonta barnaamijyo wacyi-gelin ah si dhallinyarada Soomaaliyeed fahan buuxa uga helaan khataraha ay wajihi karaan,” ayey tiri hay’adda.

Bayaanka ayaa sidoo kale sheegay: “Maadama hay’adda uu waajib ka saaranyahay badbaadinta dhallinyaradda Soomaaliyeed waxay guud ahaan hakisay socdaalka dadka aan-qaangaarin iyo kuwa lagu qabto cadeymo muujinaya in ay tahriib u socdaan, waxayna hay’addu dabagal iyo baaritaan ku sameyneysaa shaqsiyaadka iyo shirkadaha ka shaqeeya arimaha socdaalka (Travel Agencies) kuwaas oo ku lug leh tahriibinta dhallinyarada Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyntii, bayaanka wuxuu ku soo gabagaboobay: “Ugu dambeyn Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay dhiirigelinaysaa wadashaqeyn dhex marta waalidiinta Soomaaliyeed, hay’adaha dowladda, iyo ganacsatada Soomaaliyeed si looga miro dhaliyo dadaalada looga hortegayo tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this