General Duke Posted July 5, 2006 Nairobi: 181 Boolis Soomaaliyeed oo dhamaystay tabobar 3 bilood u socday. Wednesday, July 05, 2006 Nairobi(AllPuntland)- Kooxdii ugu horaysay oo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa tabobar Saddex bilood socday ugu soo gabo gaboobayaa dalka Kenya. Tobobarkan ayaa waxaa uga harsan Todobo bari oo kaliya ciidanka booliska , waxaana tabobarkan bixinaya saraakiil ka tirsan dawladda Kenya. Saraakiisha tabobarku u soo xirmayo ayaa tiradoodu gaaraysaa 181 askari , oo loo xushay inay noqon karaan ciidanka booliska ee Soomaaliya. Ciidankan ayaa laga keenay bishii April magaalada Baydhabo , aydoo tabobarku uga socday xero lagu magacaabo Manyani Kenya Wildlife Service (KWS) Training Camp. Askartan oo si rasmi ah u qalin jabinaya todobaad kadib, waxaana lagu abaal marinayaa shahaadooyin inay dhammaysteen 3 bilood oo tabobar ah ayadoo si gaar ah loo barayay xirfadaha ilaalinta dadwaynaha. Saraakiil ka tirsan booliska Kenya ayaa sheegay in ujeedada laga leeyahay tabobarkan ay tahay in lasoo saaro ciidan boolis oo tayo leh oo ka qayb qaadan kara xasiloonida dalka. Qorshaha dawladda ayaa waxaa ku jira in la dhiso ciidan boolis oo tiradoodu gaarayso 12,000 oo askari , ayadoo deegaanka Carmo dhawaan tabobar loogu soo gabo gabeeyay 154 askari oo 19 haween tahay. Source: Xinhua CCC Farayaamo AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
QANCIYE Posted July 5, 2006 I hope they didn't teach them the corruption shidh. If so, they'll be collecting empty pockets with cockroaches. On serious note: it is good to see such positive news on that region. Quote Share this post Link to post Share on other sites
raadamiir Posted July 5, 2006 Great news indeed. 181 nice. Quote Share this post Link to post Share on other sites