Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Deni oo dalbaday liisaska iyo xogta shakhsiga ah ee masuuliyiin gaar ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) — Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa warqad rasmi ah u diray dhammaan wasaaradaha dowladda, isagoo ka codsaday in ay soo gudbiyaan xog dhameystiran oo la xiriirta shaqaalaha sare ee wasaaradahooda.

Warqaddan ayaa si gaar ah diiradda u saareysa agaasimayaasha guud, agaasimayaasha waaxyaha iyo madaxda qeybaha kala duwan, sida ay aragtay Caasimada Online.

Sida lagu sheegay warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweynaha, waxaa la doonayaa in la helo liisas dhammeystiran oo ku saabsan shaqsiyaadka haya xilalka sare ee wasaaradaha, si loo darso xogtooda shaqsiyeed iyo midda xirfadeed.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Intaas waxaa dheer, xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale codsaday in la soo gudbiyo faah-faahin buuxda oo ku saabsan shaqaalaha guud ee wasaaradaha, si loo helo aragti cad oo ku saabsan hab-dhiska shaqo iyo baahiyaha jira. Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa sheegay in madaxweynaha uu doonayo inuu dib u eegis ku sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda.

Warqadda ayaa sidoo kale tilmaamaysa in wasaarad kastaa laga doonayo inay bixiso warbixin ku saabsan hantida ay hayso. Tani waxay noqon kartaa qalab, gaadiid, dhismooyin ama agab kale oo dowladeed, iyadoo la doonayo in si cad loo ogaado hantida dowladda ee yaalla wasaarad kasta.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa warqaddiisa ku xusay muhiimadda ay leedahay in la helo warbixin rasmi ah oo ku saabsan mashaariicda kala duwan ee ka socda wasaaradaha. Warbixintaasi waxay ka caawin doontaa xafiiska madaxweynaha inuu qiimeyn ku sameeyo waxqabadka iyo horumarka la gaaray.

Ugu dambeyn, waxaa sidoo kale warqadda lagu codsaday in wasaaraduhu ka warbixiyaan wixii caqabado ah ee haysta, si xal loogu helo dhibaatooyinka hortaagan hawlaha dowladda. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu dardar-gelinayo shaqada dowladda isla markaana lagu hagaajinayo hab-maamulkeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this