Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xasan Sheekh oo qaaday tallaabo culus kadib qaraxii lagu weeraray kolonyadiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday tallaabo la aaminsan yahay inay ka dhalatay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee lagu qaaday kolonyo uu la socday maalin uu ku sii jeeday furimaha dagaalka ee HirShabeelle.

Madaxweynaha ayaa baddelay Taliyihii guutada ilaalada Madaxtooyada Qaranka, isagoo xilkaas u magacaabay G/Dhexe Maslax Maxamed Maxamuud oo ah sarkaal uu kalsooni badan ku qabo Xasan Sheekh.

Maslax oo qaraabo dhow ay yihiin Xasan Sheekh waa sarkaalka uu ugu kalsoonida badan yahay, wuxuuna ka soo dalacay Taliyaha Ilaalada Madaxweynaha, isagoo noqday Taliyaha guutada ilaalada Madaxtooyada iyo Madaxda Qaranka ee 77.

Inkastoo natiijo rasmi ah aan laga soo daarin baaritaanadii la sameeyey wixii ka dambeeyey maalintii degmada Xamarjajab lagu qarxiyey Madaxweynaha, hadana waxaa la qaaday tallaabooyin ay ku jirtay magacaabista Maslax oo kalsooni badan uu ku qabo Xasan Sheekh.

Weerarkii loo maleegay Madaxweynaha ee Alle ka badbaadiyey ayaa galaaftay nolosha dad shacab u badan, waxaana ka dhashay baaritaano xoog leh oo ilaa hadda aan natiijadooda la shaacin, balse waxaa la sheegay in magacaabidda sarkaalkaan lagu kalsoonyahay ay jawaab u tahay falkaas oo dunida dhan laga cambaareeyey.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa maalin ka hor baddelay Taliyihii ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha Soomaaliya, waxaana xilkaas laga qaaday sarkaal u dhashay beesha Xawaadle oo Taliyaha Xoogga uu reysteeyey, laguna eedeeyey musuqmaasuq.

Maslax oo ah wiil dhalinyaro ah oo adeer uu u yahay Xasan Sheekh ayaa hadda laga dhigay Taliyaha guutada 77 ee ciidamada koofiya-casta oo ilaaliya madaxtooyada qaranka.

Sidoo kale, Maslax ayaa lagu xusuustaa doorkii uu ku lahaa xoreynta deegaanada ay beeshiisu degto ee Ceeldheer iyo Mesegawaa, halkaas oo beesha uu ka abaabulay si cadowga ay isaga difaacaan.

Maslax iyo beeshiisa Waceysle ayaa ku guuleystay inay iska dhiciyaan kooxda Al-Shabaab, kana difaacdaan dhulkooda, iyadoo aan ognahay in beelaha kale ee Abgaal intooda badan dhulkii laga qabsaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this