Sign in to follow this  
Deeq A.

ku dhawaaqay dagaal ganacsi oo ka dhan ah caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

1dc25490-1048-11f0-ba12-8d27eb561761.jpg
Dowladaha dunida waxay la tacaalayaan saameynta laga yaabo inay canshuurta uu Trump soo rogay ku yeeshaan ganacsigooda.

Suuqyada saamiya magaalada London ee UK ayaa durbaba hoos ugu dhacay tan iyo markii uu Trump ku dhawaaqay canshuuraha cusub.

Sidoo kale saamiyada suuqyada waaweyn ee Aasiya ayaa lagu soo warramayaa inay hoos ugu dhaceen.

Labada shirkadood ee Nikkei oo laga leeyahay Jarmalka iyo Kopsi oo Kuuriyada Koonfureed laga leeyahay ayaa ku yimid hoos u dhac boqoliiba saddex ah.

Magaalooyinka Paris ee Faraansiiska iyo Berlin ayaa sidoo kale saamigoodu hoos ugu dhacay.

Raysal wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa sheegay in canshuuraha ay yihiin kuwo aan loo heli karin wax qiil ahoo aysan ahayn ficil saaxibtinimo.

Shiinaha ayaa ugu digay inuu damacsan yahay inuu qaado tallaabooyin uu ku ilaalinayo xuquuqdiisa iyo danihiisa.

Madaxa Baanka Dhexe ee Yurub ayaa sheegay in Donald Trump canshuuraha cusub ee uu ku dhawaaqay ay sababi doonaanburbur adduunka oo dhan.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this