Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Jubbaland iyo Puntland oo isku khilaafay gogosha uu fidiyey Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo siyaabo kala duwan uga hadlay tallaabadii uu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isku khilaafay ka qayb-galka gogosha uu dhigay Xasan Sheekh ee ku aadan ka tashiga xaaadda dalka.

Jubbaland ayaa soo dhaweysay go’aanka Madaxweynaha, waxaana Axmed Axmed Madoobe oo salaaddii ciidda kadib hadlay uu sheegay inuu ku farxay baaqa nabadeed ee ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo boggaadiyay gogosha uu dhigay.

Axmed Madoobe waxaa kale oo uu xusay in wada-hadalku yahay fursad dahabi ah oo lagu gorfeeyo xallinta caqabadaha hortaagan horumarka dalka, si looga gudbo kala aragti duwanaanta ka dhex jirta ummadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Puntland ayaa soo saartay war ka duwan midka Jubbaland, waxaana Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi uu sheegay in aysan diyaar u ahayn ka qeyb galka gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan, isaga oo ku sababeeyey in ay ku jiraan dagaal.

“Xasan waxaa dadka isku keen ku tiri Beesha Caalamka, Deni waqti ma hayo uu Xasan ku hor fariisto, rasaas iyo tuute ayuu qaybinayaa, waa abaanduule dagaalka Daacish hoggaaminaya,” ayuu yir Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Ma cadda sida ay wax noqon doonaan, waxaana weli Villa Soomaaliya laga sugayaa inay shaaciso goorta uu dhacao shirka, halka uu ka dhacayo iyo cidda ka qaybgaleyso intaba.

Arrinta ayaa timid, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu ciidii jeediyay khudbad uu ku shaaciyey inuu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada, si talooyinkooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, kuna shaqeysa dastuurka iyo sharciyada noo degsan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku bogaadiyey garashada wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan inaan “Khawaarijta aannan isku heysan, balse aan isku heysanno hanaanka loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeenna ka hirgasha.”

Waxa uu sidoo kale yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si aragtiyahooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta,” isagoo u mahadceliyey ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahadceliyey beesha caalamka, isagoo qiray in “muddo dheer oo adag aad Soomaaliya lasoo garab istaagteen. Waxaad baga taageerteen dib-u-dhiska dowlad casri ah oo dimoqraadi ah. Waad ku mahadsan tihiin, waxaa dalkeenna soo gaarsiiseen meel aysan suurtagal ahayn maanta inuu dib ugu noqdo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Soo dhaweynta gogoshan wadatashiga ah ee ka timid siyaasiyiintan caanka ah ayaa ku soo beegantay xilli dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga ah iyo isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah. Waxaa la filayaa in faahfaahinta gogoshan ay soo baxdo maalmaha soo socda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this