Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha DAGAALKA ka socda MUDUG oo sii kordhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa weli sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed xoogan oo Talaadadii dib uga qarxay qaybo kamid ah galbeedka gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Jiicboor iyo Saax Quran ayaa waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo rayid ah.

Dhaawacyada oo qaarkood ay ku jiraan kuwa halis ah ayaa loo kala qaaday Galmudug iyo Puntland, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonaan karo

Sidoo kale, xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa weli kacsan, waxaana isku horfadhiyo maleeshiyaaadka labada beelood oo isku hayo cidda maamuleysa dhul ku yaallla halkaasi.

Waxaa sidoo kale soconayo dadaallo nabadeed oo ay wadaan mas’uuliyiinta labada maamul ee dariska ah iyo waxgaradka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisaddaasi.

Ilaa iyo yadda ma jiro wax war ah oo3 Galmudug iyo Puntland ay kasoo saareen daaalka ka socda galbeedka gobolka Mudug oo ay isku hayaan maleeshiyaad kasoo kala jeeda labada maamul.

Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ay Mudug ka dhacayeen dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh, oo saameyn ku yesehay dadka deegaanka.

Dagaal beeleedyada ayaa ku soo laab laabtay gobollada Dhexe gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug, waxaana jira heshiisyo horay loo gaaray oo mar dambe fashilmay.

Si kastaba, Dagaalladan ayaa loo arkaa kuwo saameyn kara gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda deegaannada maamul goboleedka Galmudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this