Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay in baaritaanka shidaalka lasoo gabagabeynayo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa maanta shirkii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada ku soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira.

Wasaaradda ayaa warbixinteeda ku caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan 2025 la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey).

Sidoo kale, wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in sanadkaan inta uusan dhamaan la qorsheynayo in la cayimo ‘goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.’

Maraakiibta Turkiga ayaa weli ku jira badda Soomaaliya, kuwaas oo shidaal ka baaraya goobo ku aadan degmooyinka Hobyo iyo Ceeldheer ee gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dowladda Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, oo 10-kii bishii hore wareysi siiyey idaacadii la xiray ee VOA ayaa sheegay in 70% la dhameeyay sahminta shidaalka Soomaaliya, taas oo ka dhigan in badankeedu soo idlaatay shaqadii ka socotay badda Soomaaliya dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Wasiir Daahir Shire ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqon karto mustaqbalka dhow dal helay shidaal aad u badan, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay sahminta socota inay wada guuleysan doonto, isagoo soo xiganaya injineerrada ku jira shaqada.

Dowladda Soomaaliya oo heshiis shidaal baaris kula jirta dowladda Turkiga ayaa sidoo kale albaabada u furtay dowlado kale oo Azerbaijan ay ku jirto, sidoo kale waxay xayeysiin u sameysay xirmooyin hor leh oo shidaal baaris ah, kuwaas oo u tartamayaan shirkado waaweyn oo caalami ah.

Kadib sahminta shidaalka maxaa xiga?

Marka ay soo dhammaato howsha sahminta, waxaa lagu dhaqaaqi doonaa qodista shidaalka, sida ay qorsheyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Badda Soomaaliya waxaa ku yaalla in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, kuwaas oo aan badankood sahmin lagu sameyn sababo la xiriira walaaca dhanka amniga iyo khilaafaadka ka jira dalka.

Horraantii sanadkii tegay ee 2024 ayay ahayd markii Soomaaliya iyo Turkiga gaareen heshiis lagu sahminayo shidaalka iyo macdanta kale ee badda ku jirta.

Dabayaaqadii isla sanadkaas, markabka baaritaanka ee Turkiga, Oruç Reis, ayaa soo gaaray dekedda Muqdisho, wuxuuna ruqaansaday goobaha loo arko inay ku habboon yihiin baarista, si loo sumadeeyo meelaha lagu arko kheyraadka la qorsheynayo in la soo saaro.

Marka la helo natiijo la isku halleyn karo, kadib ayaa la guda geli doonaa soo saarista shidaalka, sida uu dhigayo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this