Deeq A. Posted April 2 XASAN SHIIKH IYO DAWLADDIISU WAXAY BILAABEEN WEJI CUSUB OO AY DAGAAL KAGA HURINAYAAN BARIGA SOOL IYO SANAAG. Maamulka xasan shiikh markuu ku fashilmay dagaalkii uu kula jiray arggagixisada, wuxuu bilaabay Weji cusub oo uu doonayo inay isku baaba”aan shicibka s. Land ee deggan bariga sool iyo sanaag isagoo ka dagaallamaya aqoonsiga caalamiga ah ee u soo socda s. Land. Wuxuu itaal ka dhigtay dhulkaas oo ay joogaan jabhado degaamadaas ahi inuu baahida kaga faa”iideysto isagoo adeegsanaya garaaddada iyo siyaasiyiin ka mid ah degaankaas, wuxuu marayaa nin daad qaaday xumbbo cuskag waa isku daygii ugu cuslaa ee uu cadaawad ka dhex huriyo carrigaas sidaadaas awgeed waa in talo midaysan lagaga hor tago taliska caalwaaga ah ee xasan shiikh, wuxuu ka wadaa mandaqadda xaalad abuur dhalinaya amnidarro aanuu waxba ka qaban karaynin hadhow. Xasan wuu hinaasay waxa u sawiran quruxda s. Land iyo mushkiladda ku xeeran XAMAR oo ah kaaf iyo kala dheeri. Aqoondarradu waxay marinaysaa inuu xamse barre yidhaahdo laascaanood tag si uu nefis siyaasadeed uga dhigto, taasina way ku adkaatay xamse barre. MAHADSANID. BACAW MEDIA. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites