Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadeexada ‘Qatargate’ ee ka taagan Israel oo xoogeysatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Tel Aviv (Caasimada Online) – Booliiska Israa’iil ayaa Isniintii xiray laba ka mid ah la-taliyeyaasha ugu dhow Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyadoo fadeexadda loo bixiyay “Qatargate” ay sii xoogaysatay gudaha Israa’iil.

Jonathan Urich, oo ah la-taliyaha sare ee warbaahinta ee Netanyahu, iyo Eli Feldstein, oo ah afhayeenkiisa arrimaha militariga, ayaa lagu xiray baaritaan lagu sameynayo xiriirka ka dhexeeya xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo saraakiisha dowladda Qatar.

Labadan mas’uul ayaa lagu eedeeyay inay xiriir la yeesheen wakiil ajnabi ah, lacag dhaqid, laaluush qaadasho, musuq-maasuq iyo khiyaano.

Netanyahu, oo isla maalintaas maxkamad ku sugnaa isagoo ka jawaabaya dacwado isaga lagu soo eedeeyay oo la xiriira musuq-maasuq iyo khiyaano, ayaa lagu khasbay inuu ka baxo maxkamadda si uu uga jawaabo baaritaanka lagu hayo dadka isaga ku dhow.

Waxaa sidoo kale loo yeeray wariye aan magaciisa la shaacin, kaas oo isagana lala xiriirinayo fadeexaddan. Warbaahinta Haaretz ayaa sheegtay in booliisku dhawaan u yeeri doonaan wariyeyaal kale oo arrintan looga shakisan yahay.

Baaritaanka ayaa hadda lagu soo rogay amar xayiraad xogeed, waxaana jira faahfaahin badan oo aan weli shaaca laga qaadin. Wararka laga helayo Israa’iil ayaa sheegaya in Urich, Feldstein iyo dadka kale ee lagu tuhunsan yahay ay fariimo u direen wariyeyaal iyadoo loogu adeegayo dowladda Qatar. Fariimahaas ayaa u muuqday kuwo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil.

Eran Etzion, oo hore u ahaa ku-xigeenka Golaha Ammaanka Qaranka ee Israa’iil ayaa u sheegay Middle East Eye in ay weli adag tahay in la qiimeeyo heerka halista fadeexaddan, balse “haddii Urich iyo Feldstein ay ka shaqaynayeen xafiiska ra’iisul wasaaraha, isla markaana ay u adeegayeen Qatar, waxaa laga yaabaa inay heleen xog sir ah.”

“Marka heerka ugu sarreeya ee sharciga la eego, waxay noqon kartaa in xafiiska ra’iisul wasaaraha laga shaqaaleysiiyay wakiillo laba dhinac u adeegaya, taasoo loo aqoonsan karo khatar amniga qaranka iyo khiyaano qaran,” ayuu yiri Etzion.

‘Qatargate’

Fadeexadda ay warbaahinta Israa’iil ugu yeertay “Qatargate” ayaa markii ugu horraysay waxaa shaaciyay wargeyska Haaretz bishii November.

Sida uu sheegay wargeyska, Urich iyo Srulik Einhorn, oo muddo dheer la-taliye u ahaa Netanyahu, ayaa Qatar u shaqeynayay kahor Koobka Adduunka 2022 oo lagu qabtay dalkaasi Khaliijka ah.

Labadan nin ayaa shirkadooda Perception u isticmaalay inay hagaajiyaan sumcadda Qatar oo ay u muujiyaan in ay tahay dal u ololaynaya “nabad iyo xasillooni dunida ah.” Waxay sidoo kale gudaha Israa’iil ku soo bandhigayeen ololaha Qatar, iyagoo wariyeyaal Israa’iili ah ku casuumay Qatar.

Bishii February, Channel 12 ayaa shaacisay in Feldstein isagana uu ku lug lahaa fadeexadda. Sida lagu sheegay warbixintaas, Feldstein waxaa shaqaalaysiiyay shirkad gaar loo leeyahay oo ay maalgeliso Qatar, si uu u wanaajiyo muuqaalka Qatar ee Israa’iil, gaar ahaan kaalinteeda wada-xaajoodka Israa’iil iyo Hamas oo Qatar dhex-dhexaadinayso.

Feldstein ayaa hore loogu xiray tuhun ah inuu sirro la xiriira Hamas u gudbiyay wargeyska Jewish Chronicle ee Ingiriiska iyo Bild ee Jarmalka. Warbixinnadaas ayaa markii dambe la ogaaday inay ahaayeen been abuur, taasoo sababtay in Jewish Chronicle uu ka saaro maqaallo badan boggiisa internet-ka, isla markaana afar ka mid ah qorayaashooda caanka ahi ay is-casileen. Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay su’aalo la xiriira Robbie Gibb, oo ka tirsan maamulka BBC-da.

Bishii hore, Channel 13 ayaa daabacday in Feldstein uu soo abaabulay safar Qatar loogu qaaday Zvika Klein, oo ah tifaftiraha wargeyska garabka midig ee Jerusalem Post. Feldstein oo aan ka qaadan wax mushaar ah xafiiska Netanyahu, ayaa lagu soo warramayaa inuu la shaqaynayay Jay Footlik, oo ah ololeeye Mareykan ah oo dowladda Qatar u shaqeeya.

Netanyahu iyo Shin Bet

Kadib markii warbixino badan oo arrintan ku saabsan la daabacay, xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil Gali Baharav-Miara ayaa bishii hore amartay in baaritaan rasmi ah la bilaabo, kadib baaritaan amni oo ay fuliyay Shin Bet, oo ah hay’adda amniga gudaha Israa’iil.

Etzion ayaa sheegay in haddii Netanyahu uu ka war hayay shaqada ay la-taliyeyaashiisu u qabanayeen Qatar, ay xaaladdiisu aad u xun tahay, haddii uusan ogeynna ay arrintu weli khatar badan tahay.

Muddo dheer ayuu sheegay in Netanyahu dagaal adag kula jiray nidaamka caddaaladda Israa’iil, hadda se ay hay’adaha fulinta sharciga noqdeen kuwo daciif ah.

Netanyahu ayaa gabi ahaanba beeniyay eedeymaha ka dhanka ah la-taliyayaashiisa, isagoo sheegay in baaritaanku yahay ugaarsi siyaasadeed. Xisbiga Likud ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanku yahay “isku day lagu doonayo in lagu dilo dimoqraadiyadda.”

Horraantii bishan, Netanyahu ayaa isku dayay inuu shaqada ka eryo madaxa Shin Bet, Ronen Bar, balse Maxkamadda Sare ayaa tallaabadaas hakisay illaa ay ka qabtaan dhegeysi bisha soo socota.

Tan iyo markii fadeexadda “Qatargate” shaaca laga qaaday, Netanyahu wuxuu ku celceliyay in uu jiro qorshe hoose (Deep State) oo isaga laga soo horjeedo, isagoo bartiisa TikTok ku sheegay in dowlad-hoosaadka “garabka bidix” ay doonayaan in isaga iyo xukuumaddiisu noqdaan “ubax lagu qurxiyo keliya.”

Netanyahu ayaa sidoo kale muuqaal uu soo duubay ku sheegay in Urich iyo Feldstein ay yihiin “la haystayaal,” taasoo dhalisay dhaleeceyn gudaha Israa’iil ka timid, gaar ahaan qoysaska dadka ay Hamas gacanta ku hayso ee Gaza.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this