Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qorshaha cajiibka ah ee ka dambeeya in uu Xasan Sheekh fidiyo gogol wadatashi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu fidinayo gogol wadatashi, xilli ay muddooyinkii dambe si weyn isku hayeen siyaasiyiinta mucaaradka oo ka biyo-diiddan hannaanka doorasho ee ay Villa Somalia marsatay Baarlamaanka Soomaaliya.

Gogosha wadatashiga ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay ayaa dhalisay su’aalo badan oo ilaa hadda aan loo helin jawaabo cad.

Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, haddana falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa tallaabadan u arka mid soo daahday oo ka dhalatay cadaadis isa soo tarayay, kaas oo Villa Somalia kaga imaanayay mucaaradka gudaha, balse ugu dambeyn ay beesha caalamku cadaadis xooggan ka geysatay.

Maalmo ka hor ku dhawaaqista gogoshaas, safiirrada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa si toos ah Madaxweynaha cadaadis ugu saaray arrintan, iyagoo sidoo kale farriin taas la xiriirta hore ugu soo dhiibay qaar ka mid ah saaxiibbadiisa siyaasadeed.

Farriintaas ayaa ku qotontay baahida loo qabo in la furo saaxadda siyaasadda, la dejiyo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, iyo inuu billaabo wada-hadal dhab ah oo lala yeesho madaxda dowlad-goboleedyada ka maqan wadahadallada, sida Puntland iyo Jubbaland.

Xeeldheerayaasha siyaasadda ayaa tilmaamaya in dowladda federaalka aysan weli caddeyn arrimo muhiim ah, sida:

  • Dastuurka lagu dhaqmi doono waa kee?
  • Sidee loo qaban doonaa doorashooyinka 2026-ka?
  • Yaa hagi doona wadahadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada?
  • Istaraatiijiyad noocee ah ayaa lagu wajahaya dagaalka ka dhanka ah argagixisada?

Sidoo kale, su’aal kale oo walaac badan abuurtay ayaa ah: Yaa ka qeyb galaya gogoshan? Ma dhammaan siyaasiyiintii hore xilalka uga soo qabtay heer federaal ayaa lagu casuumayaa, mise waxaa laga qeybgelinayaa iyadoo lagu saleynayo heerka qaylada iyo buuqa siyaasadeed ee qofka ama kooxdu samayn karto?

Jawaabta su’aashan weli ma cadda, balse waxaa muuqata in Villa Somalia iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ay go’aamin doonaan cidda saameynta ku leh ajendaha gogosha, kuwaas oo aan laga tegi karin.

Maadaama aan su’aalahaas ilaa hadda loo helin jawaabo cad, waxaa jirta cabsi ah in gogosha lagu dhawaaqay ay tahay mid ay Villa Somalia ku raadineyso waqti siyaasadeed, halkii ay ka noqon lahayd qorshe dhab ah oo lagu gaari karo dib-u-heshiisiin siyaasadeed iyo ajande qaran oo lagaga hortago kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this