Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo albaabada u laabeyso xarumaha rootiga lagu sameeyo ee Qasa

Recommended Posts

Deeq A.   

8e794c70-0f80-11f0-b234-07dc7691c360.png

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ku qasban tahay inay xidho dhammaan xarumaha lagu sameeyo roodhida ee Gasa, sababtuna tahay bur yaraanta ka dhalatay go’doominta Israa’iil ee dhulkaas. Xarumahan ayaa muhiim u ahaa quudinta kumanaan qof oo reer Qaza ah . Israa’iil ayaa joojisay in muddo ah gargaarkii Qaza soo gali jiray.

Dhanka kale dowladda Israa’iil ayaa isku dayaysa inay iska difaacdo dilkii shaqaale caafimaad oo lagu dhex dilay gaari kuwa gurmadka degdega ah.

Afhayeen u hadashay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ayaa sheegtay in xidhitaankan ay saamayn doonto boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo ku tiirsan roodhida la dubo.

Israa’iil ayaa go’doominta bilowday horraantii bishii hore si ay u kordhiso cadaadiska Xamaas ay ku doonayso in ay sii deyso la haystayaasha Israa’iil.

Joojinta gargaarka ayaa waxaa ay imika ka digayaan hay’adaha arrimaha bina’aadanimada in ay dhibaato wayn ka dhalan karto.

Dhanka kale Ciidamada Israel ayaa isku dayay inay difaacaan falkii ay ka geysteen Gaza todobaad ka hor markii ciidamadooda ay rasaas ku fureen kolonyo gaadiid ah, halkaasi oo ay ku dileen shan iyo toban ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, shaqaalaha difaaca rayidka iyo shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay.

Source bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this