Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasiyiinta K/Galbeed oo caddeeyey mowqifkooda gogosha uu fidiyey Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Maanshiil oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweysay baaqii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ee ku aadanaa qabashada shir qaran oo wada-tasho ah.

Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in gogosha uu dhigay madaxweynaha ay kusoo aaday xilli muhiim ah, iyaga oo tilmaamay inay wax badan ka tari doonto xaalada dalka uu ku jiro.

“Madasha Maanshiil waxay soo dhaweeynaysaa baaqii madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud uu ku dhawaaqay oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ku fidineyso gogol wadatashi heer qaran ah taas oo looga tashanayo masiirka ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay Madasha Maanshiil.

Sidoo kale waxa ay madashu intaasi ku dartay in baaqa madaxweynaha ay u aragto inuu yahay tallaabo boggaadin iyo ajiibid mudan oo horseedi karta xal u helidda hubanti la’aanta siyaasadeed iyo xaaladaha kale ee ka jira dalka, sida dagaalka Al-Shabaab.

Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa sidoo ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay ka dhabeeyso hirgelinta gogosha si loo helo siyaasad furan oo wada-ogol ah, looguna midoobayo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro.

Waxaa kale oo ay tilmaameen in arrintan ay abuureyso rajo yadadiilo u leh shacabka Soomaaliyeed, loogana gudbi karo caqabadaha gudaha ee haatan jira.

Hadalkan ka soo baxay siyaasiyiintan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad uu dhawaan jeediyey ku shaaciyey inuu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada, si talooyinkooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, kuna shaqeysa dastuurka iyo sharciyada noo degsan.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku bogaadiyey garashada wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan inaan “Khawaarijta aannan isku heysan, balse aan isku heysanno hanaanka loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeenna ka hirgasha.”

Waxa uu sidoo kale yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si aragtiyahooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta,” isagoo u mahadceliyey ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahadceliyey beesha caalamka, isagoo qiray in “muddo dheer oo adag aad Soomaaliya lasoo garab istaagteen. Waxaad baga taageerteen dib-u-dhiska dowlad casri ah oo dimoqraadi ah. Waad ku mahadsan tihiin, waxaa dalkeenna soo gaarsiiseen meel aysan suurtagal ahayn maanta inuu dib ugu noqdo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Soo dhaweynta gogoshan wadatashiga ah ee ka timid siyaasiyiintan caanka ah ayaa ku soo beegantay xilli dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga ah iyo isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah. Waxaa la filayaa in faahfaahinta gogoshan ay soo baxdo maalmaha soo socda.

202541638790780524251263.jpg?resize=660%

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this