Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne hore Farmaajo oo soo dhaweeyay gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Recommended Posts

Deeq A.   
219863437_4267517229999389_3953066539531

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa soo dhaweeyay Baaqa ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ku tilmaamay” waa tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalka.”

“Sida aan marar badan soo jeedinnay, arrimaha masiiriga ah ee taabanaya aayaha dalka iyo nidaamka dowladnimada waa masuuliyad wadareed u baahan wadatashi iyo wada-ogolaansho, sidaas awgeed waxaan adkaynaynaa in shirkan ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada ay khusayso heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.”

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan ku dhiirrigelinaynaa in uu ficil u beddelo baaqa, kana dhabeeyo gogosha uu fidiyey, isagoo abuuraya jawi siyaasadeed oo ku dhisan kalsooni, wadashaqeyn iyo ilaalinta dastuurka lagu doortay, iyada oo meesha laga saarayo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaya midnimada dalka iyo hannaanka dowladnimo ee heshiiska lagu yahay” ayuu yiri Farmaajo

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sidoo kale soo jeediyay in shirkan uu fursad u noqdo garab istaagga iyo sidii taageero buuxda loo siin lahaa Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, iyada oo la qiimeynayo duruufaha ay wajaheen inta ay ku jireen howlgallada, taas oo aas-aas u ah in ay awood buuxda u yeeshaan xoreynta degaannada ku harsan gacanta argagixisada.

FB_IMG_1743369458802.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne hore Farmaajo oo soo dhaweeyay gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this