Sign in to follow this  
Deeq A.

Cilmi-baare Ashkir Nuur oo soo bandhigay hal qodob oo mar kasta Puntland kaga guulaysato argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1743414806491.jpg?resize=720%2C72

Dr. Ashkir Nuur oo baaris ku sameeyay sababta mar kasta firqooyinka lunsan ee argagixisada ah ugu jabaan duullaankooda ku jihaysan Puntland ayaa sheegay in aysan marna kooxahaasi marti-gelin bulsho ka helin gudaha Puntland.

Aqoonyahan Ashkir Nuur oo wareysi bixiyay ayaa Puntland ku tilmaamay dowlad iyo shacab isku duuban oo cudud midaysan ku wajaha dhagar kasta oo ay soo maleegaan kooxaha argagixisada ah ee isir-nacaybka iyo colaadda fog u qaba umadda reer Puntland.

“Puntland waxay ku guulaysatay in ay dhabarka ka goyso argagixisada. Puntland waa dowlad iyo shacab isku duuban oo cudud midaysan leh markaas argagixisadu kama heli karaan marti-gelin bulsho waana sababta mar kasta ay Puntland uga guulaysato kooxaha argagixisada ah” ayuu yiri Dr. Ashkir.

Cilmi-baare Ashkir Nuur ayaa tusaale u soo qaatay jabkii iyo fadeexaddii argagixisada Al-shabaab ka raacay dagaalkii Suuj iyo Garmaal markaasi oo dhammaan mileeshiyaadkoodii weerarka soo qaaday ay noqdeen wax dhintay iyo wax la qabtay oo xeryo loo sameeyay.

“Al-shabaab maalintii ay ku jabeen Puntland dagaalkii Suuj iyo Garmaal way hadleen, waxay maageen oo dhaleecayn dusha u saareen shacabka Puntland, oo ay ku sheegeen bulsho qabiil ah oo isku duuban oo gaalo taageer ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay cilmi-baare Ashkir Nuur.

PUNTLAND POST

The post Cilmi-baare Ashkir Nuur oo soo bandhigay hal qodob oo mar kasta Puntland kaga guulaysato argagixisada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this