Sign in to follow this  
Deeq A.

SOMALILAND oo shaacisay arrin ay muujisay warqaddii uu Xasan Sheekh u diray Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay warqad ay sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u diray Maraykanka, taasoo lagu codsanayay in Washington la wareegto maamulka dekedaha Berbera iyo Boosaaso si looga hortago aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in tallaabada Madaxweyne Xasan Sheekh ay muujinayso xasillooni-darro siyaasadeed iyo dadaal kasta oo lagu horjoogsanayo aqoonsiga Somaliland.

“Waa arrin muujinaysa in hoggaaminta Xasan Sheekh ay tahay mid aan culayska qaadi karin, khaasatan marka la eego arrimaha Somaliland. Mar kasta oo uu maqlo aqoonsiga Somaliland, nooc waali ah ayuu galayaa. Xusuuso waalida ka haysatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya oo gaadhay heer uu heshiis qarsoodi ah la galo Turkiga,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle.

Waxa uu intaa ku daray in xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanku uu yahay mid qoto dheer oo soo bilaabmay wakhti hore, gaar ahaan golayaasha sharci-dejinta Maraykanka. Wasiirka ayaa xusay in xeerka cusub ee difaaca Maraykanka lagu daray qodobo qasab ka dhigaya in Somaliland lala macaamilo, taasoo muujinaysa in Maraykanku noqon doono dalka ugu horreeya ee Somaliland aqoonsada.

“Maraykanku wuxuu noqon doonaa dalka ugu horreeya ee Somaliland aqoonsada,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle, isaga oo xusay in Somaliland diyaar u tahay inay noqoto dowlad walaal la ah Soomaaliya oo gacan ka geysata dib u dhiska dalkaas.

Wasiir Ayaanle ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu diyaariyay warqado badan oo uu u diray Washington si looga hor istaago aqoonsiga Somaliland.

“Wuxuu diyaar u yahay inuu Soomaaliya oo dhan bixiyo si uu uga hortago aqoonsiga Somaliland,” ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in laga yaabo in ay jiraan waraaqo kale oo aan weli la arag oo Soomaaliya u dirtay Maraykanka.

Jariiradda Semafor iyo wakaaladda wararka ee Reuters ayaa baahiyay warqad Madaxweyne Xasan Sheekh uu Maarso 16 u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, taasoo lagu codsaday in Maraykanka la wareego maamulka dekedaha Berbera iyo Boosaaso si looga hortago aqoonsiga Somaliland.

Warqadda ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay Maraykanka usoo bandhigtay “maamul gaar ah oo hawleed” oo lagu maamulayo dekedaha istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed si loo xoojiyo saameynta Maraykanka ee gobolka, looga hortago tartamayaasha shisheeye, loona hubiyo marin aan hakad lahayn oo milatari iyo saadka ah.

Hase yeeshee, Wasiir Ayaanle ayaa sheegay in goobaha la xusay — dekedaha iyo saldhigyada Berbera ee Somaliland iyo Boosaaso ee Puntland — aanay ka hoos shaqaynin dowladda Soomaaliya.

“Muqdisho waxay u aragtaa dhammaan goobahaas inay ka mid yihiin dhulkeeda qaran, balse xaqiiqadu waa in Somaliland iyo Puntland ay si gaar ah u maamulaan goobahaas,” ayuu yidhi.

Wasiirka ayaa ku adkaystay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay maamulkii dalka, isla markaana warqadda ay u dirtay Trump waxba kama beddeli karto xaqiiqada ah in Somaliland ay heli doonto aqoonsi.

“Haddii Somaliland hesho aqoonsi, waxay noqon doontaa dowlad walaal la ah Soomaaliya oo qayb ka qaadan doonta dhismaha Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this