Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Mossad oo loo xil saaray qorshihii ay diideen Soomaaliya iyo dalal kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa amray hay’adda sirdoonka Mossad in ay aqoonsato waddamo oggolaan kara inay qaabilaan tiro badan oo Falastiiniyiin ah oo laga rarayo Marinka Gaza, sida lagu sheegay warbixin la shaaciyay Jimcihii.

Inkasta oo dalal dhowr ah ay horey u qaabileen tiro yar oo ah Falastiiniin xanuunsan — badankoodna carruur ah oo loo qaaday daaweyn — haddana weli ma jiro waddan aqbalay inuu martigeliyo tiro bada oo reer Gaza ah. Sidoo kale, dadka reer Gaza laftooda ma muujinayaan rabitaan ah inay si ballaaran u guuraan.

Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa sii waddo dadaalka lagu doonayo in Falastiiniyiinta laga saaro Gaza, iyadoo taageero xooggan ka helaysa xubnaha xulafada midigta-fog ee xukuumadda Netanyahu, oo ay ka mid yihiin Bezalel Smotrich iyo Itamar Ben Gvir.

Dadaalkaas ayaa helay dhiirrigelin siyaasadeed bishii hore markii madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, uu soo jeediyay qorshe ah in Mareykanku la wareego Gaza oo uu meesha ka saaro dhammaan dadka ku nool — oo gaaraya laba milyan.

Trump ayaa dib uga laabtay qorshahaas aan si buuxda loo qeexin, isagoo sheegay inaanay jirin Falastiiniin si khasab ah loo rarayo, isla markaana beeniyay in qorshahaasi uu la macno yahay nadiifin qowmiyadeed.

Israaiil waxay iyaduna sheegtay inaysan dadka reer Gaza ku qasbi doonin inay baxaan. Si kastaba, weli lama caddeyn sida dadkaas loogu qancin karo inay si iskood ah u guuraan, iyo waxa dhici doona haddii dadaalkaasi guul-darro ku dhaco.

Sida lagu sheegay warbixin uy qortay warbaahinta Axios, dowladda Mareykanka ma ahan mid si firfircoon u hirgelinaysa qorshaha Trump, iyadoo ergayga Bariga Dhexe, Steve Witkoff, uu xoogga saarayo sidii dib loogu soo celin lahaa xabbad-joojinta iyo heshiiska lagu sii deynayo la-haysteyaasha ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Xiriirka Israel ee Soomaaliya iyo dalal kale

Israaiil ayaa isku dayday inay buuxiso kaalintaas, iyadoo la gashay wadahadallo ay la leedahay dalal ay colaado ragaadiyeen sida Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, iyo sidoo kale Indonesia iyo dalal kale, si loo eego suurtagalnimada inay qaabilaan Falastiiniin, sida lagu sheegay warbixinta Axios oo soo xiganaysa laba masuul oo Israa’iili ah iyo masuul hore oo Mareykan ah. Wadahadalladaasi illaa hadda wax natiijo ah lagama gaarin.

Warbixinno hore ayaa sidoo kale muujinayay in Suuriya, Suudaan, iyo Somaliland — oo ah gobol gooni u goosed ah oo ka tirsan Soomaaliya — laga yaabo in loo arko meelaha suuragalka ah ee dadka reer Gaza loo raro, qorshe ay Israa’iil iyo Mareykanku si gaar ah isha ugu hayaan.

Maamulka Falastiin iyo dalalka Carabta ayaa si xooggan uga horyimid dadaallada lagu doonayo in dadka reer Gaza lagu raro meel ka baxsan dhulkooda, iyagoo ku doodaya in dadkaasi ay xaq u leeyihiin inay ku sii nagaadaan Gaza. Waxay sidoo kale ka digeen in qorshahani uu hurin karo dagaallo cusub iyo kororka xagjirnimada.

Israaiil iyo Mareykanka waxay ku doodayaan in Gaza aysan mar dambe ammaan ahayn kaddib in ka badan sanad iyo bar oo weerarro Israa’iil ah lagu bartilmaameedsaday kooxda Xamaas, sidaas darteedna dadka reer Gaza waa in la siiyo fursad ay ugu guuraan meel nabdoon. Hase yeeshee, diidmada Israa’iil ee ah inay si cad u ballanqaaddo in dadka baxaya loo oggolaan doono inay mar dambe ku soo noqdaan, ayaa sii xoojisay shakiga laga qabo ujeeddooyinkeeda.

Trump ayaa markii ugu horreysay shaaciyay qorshahan xilligii Netanyahu uu booqday Aqalka Cad, intii lagu jiray dadaalladii lagu dhex-dhexaadinayay xabbad-joojinta iyo sii-deynta la-haysteyaasha — heshiis ay hormuud ka ahaayeen Mareykanka, Qatar iyo Masar.

Heshiiskaasi wuxuu hakiyay dagaal socday 15 bilood oo ka socday Gaza, kaasoo bilowday 7-dii Oktoobar 2023, markii ururka Xamaas uu horkacay weerar ay ka qayb qaateen in ka badan 5,000 oo dagaalyahan oo ku duulay Koonfurta Israa’iil, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, intooda badanna ay ahaayeen rayid, halka 251 kalena ay qafaasheen.

Dagaalkaasi wuxuu Gaza u geystay burbur baaxad leh, taasoo dhalisay baahi degdeg ah oo loo qabo qorshe dib-u-dhis dhammaystiran, kaasoo Israa’iil ay ku adkaysatay inuu ka koobnaado maamul cusub oo beddela xukunka Xamaas.

Masar ayaa si degdeg ah u soo bandhigtay qorshe kale oo Carbeed, kadib markii dalalka Carabta ay ka cabsadeen soo-jeedintii Trump ee ahayd in Gaza dib loogu dhiso sidii “Riviera-da Bariga Dhexe.”

Qorshaha Carabta wuxuu soo jeedinayaa in guddi madax-bannaan oo ka kooban khubaro farsamo ay muddo lix bilood ah si ku-meel-gaar ah u maamulaan Gaza, kadibna ay maamulka ugu wareejiyaan Maamulka Falastiin. Waxa kale oo uu qorshuhu oggolaanayaa in dadka reer Gaza ay sii joogaan dhulkooda inta dib-u-dhisku socdo — taasoo si cad uga duwan qorshaha Trump oo doonaya in dhammaan dadka la raro.

Dowladda Trump ayaa ilaa hadda diraysa fariimo is burinaya oo ku saabsan qorshaha Masar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this