Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo jawaab ka soo saaray gogosha Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee kala ah; Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey gogosha wadatashi ee uu xalay ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku tilmaamay “tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday.”

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen, ayey marka hore ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen munaasabadda Ciidul Fidriga, iyagoo Alle SWT ka baryey inuu “naga aqbalo cibaadadii Soonqaadka, quluubteennana isu-soodumo, midnimada iyo wadajirkeennana xoojiyo.”

Siyaasiyiintan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan gogosha wadatashiga, iyagoo xusay in “halista Argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota waxay nagu waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimadeena.”

Hase yeeshee, waxay intaa ku dareen in “si ay gogoshu u noqoto mid wax ku ool ah, natiijo mira dhal ahna u yeelato, looguna midoobo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro, waxaan dhowraynaa in faahfaahin dheeri ah laga helo, ajandaha, waqtiga iyo ka soo qaybgalayaasha aan looga maarmin ka mira dhalinta gogosha.” 

Hadalkan ka soo baxay siyaasiyiintan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad uu xalay ka jeediyey uu ku shaaciyey inuu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada, si talooyinkooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, kuna shaqeysa dastuurka iyo sharciyada noo degsan.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku bogaadiyey garashada wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan inaan “Khawaarijta aannan isku heysan, balse aan isku heysanno hanaanka loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeenna ka hirgasha.”

Waxa uu sidoo kale yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si aragtiyahooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta,” isagoo u mahadceliyey ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahadceliyey beesha caalamka, isagoo qiray in “muddo dheer oo adag aad Soomaaliya lasoo garab istaagteen. Waxaad baga taageerteen dib-u-dhiska dowlad casri ah oo dimoqraadi ah. Waad ku mahadsan tihiin, waxaa dalkeenna soo gaarsiiseen meel aysan suurtagal ahayn maanta inuu dib ugu noqdo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Soo dhaweynta gogoshan wadatashiga ah ee ka timid siyaasiyiintan caanka ah ayaa ku soo beegantay xilli dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga ah iyo isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah. Waxaa la filayaa in faahfaahinta gogoshan ay soo baxdo maalmaha soo socda.

Hoos ka aqriso bayaanka mucaaradka
487313177_1207113967444805_8210305564394

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this