Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu AXMED Madoobe ka yiri gogosha wada-hadal ee uu fidiyey Xasan Sheekh?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in uu aad ugu farxay baaqii nabadeed ee ka soo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ku saabsanaa inuu gogol wadatashi ah u fidiyo siyaasiyiinta iyo dadka rayiga ka duwan.

Axmed Madoobe waxa uu xusay in wadahadalku yahay fursad dahabi ah oo lagu gorfeeyo xallinta caqabadaha hortaagan horumarka dalka, si looga gudbo kala aragti duwanaanta ka dhex jirta ummadda Soomaaliyeed.

Intaa waxaa dheer, Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ciribtirka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, isaga oo caddeeyay in kooxdani ay tahay tan caqabadda ugu weyn ku ah koboca iyo baraaraha Soomaaliya.

Waxaa uu ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka in aanay waqti ku lumin khilaafaadka aan micnaha lahayn, balse ay feejignaantooda isugu geeyaan sidii looga guuleysan lahaa argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee si cad oo rasmi ah uga jawaaba codsiga Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo uu jeediyay fiidnimadii xalay.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Maamul Goboleedka Puntland, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir, mar wax laga weydiiyay aragtida Puntland ee ku aaddan gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa iska fogeeyay inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo arrintaas.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horay u shaaciyay in Puntland ay soo dhaweynayso shir loo dhan yahay oo looga wada hadlo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Hadalkan kasoo baxay siyaasiyiintan ayaa yimid xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud khudbad uu xalay jeediyay uu si faahfaahsan u sheegay inuu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, si ay talooyinkooda qiimaha leh ugu darsadaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, iyadoo la raacayo dastuurka iyo shuruucda dalka u degsan.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku ammaanay fahamka wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan in “aan Khawaarijta isku heysan, balse aan isku heysanno sidii loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeena ka hanaqaada.”

Waxa kale oo uu yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si ay aragtidooda ugu biiriyaan dagaalka lagaga hortagayo Khawaarijta,” isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee nafahooda u huraya sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si ballaaran u mahadceliyay beesha caalamka, isaga oo qiray in “muddo dheer oo adag aad garab taagnaayeen Soomaaliya. Waxaad si hagar la’aan ah u taageerteen dib u dhiska dowlad casri ah oo dimoqraadi ah. Waad ku mahadsan tihiin, waxaad dalkeenna soo gaarsiiseen meel aysan suurtagal ahayn inuu maanta dib ugu laabto,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Soo dhaweynta gogoshan wadatashiga ah ee ka timid siyaasiyiintan waaweyn ayaa ku soo beegantay xilli dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga ah iyo isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah. Waxaa la filayaa in faahfaahinta dheeraad ah ee ku saabsan gogoshan ay soo baxdo maalmaha soo socda.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this