Deeq A. Posted Sunday at 04:24 PM Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal ka soo saaray gogoshii uu xalay ku dhaaway Madaxweyne Xasan Sheekh inuu u dhigayo siyaasiyiinta, taas oo inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ay soo dhaweeyeen. Rooble ayaa ugu horeyn bogaadiyey dagaalka ay ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed kula jiraan argagixisada ‘duulanka ku soo qaaday diinta, dadka iyo dalka.’ Sidoo kale, wuxuu soo dhaweeyey gogosha uu ku dhawaaqay Xasan Sheekh inuu dhigayo, isagoo talo ka bixiyey sida ay ku haboontahay in looga faa’iideysto. “Waxaan soo dhaweynayaa gogosha wadatashi ee Madaxweyne Hassan Sheekh Maxamuud ku baaqay xalay, waa tallaabo hore loogu qaadayo in danta, dalka iyo diintaba ay masuuliyad naga wada saaran tahay kulligeen. Waxaan rajeynayaa in ay gogoshan ka soo baxdo natiijo dalka iyo dadka faa’iido u leh,” ayuu yiri R/Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble. Qoraalka uu soo saaray Rooble ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ugu baaqayaa Madaxda dowladda iyo saamileyda kale ee siyaasadda in fursaddaan looga faa’iideysto si daacadnimo leh, mar kastana Danta Guud laga hormariyo Danta Gaarka ah taas oo hore u marinaysa dhammeystirka geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya ee xilligan adag.” Sidaan oo kale, Siyaasiyiinta mucaaradka ee kala ah; Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey gogosha wadatashi ee uu xalay ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku tilmaamay “tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday.” Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen, ayey marka hore ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen munaasabadda Ciidul Fidriga, iyagoo Alle SWT ka baryey inuu “naga aqbalo cibaadadii Soonqaadka, quluubteennana isu-soodumo, midnimada iyo wadajirkeennana xoojiyo.” Siyaasiyiintan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan gogosha wadatashiga, iyagoo xusay in “halista Argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota waxay nagu waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimadeena.” Hadalkan ka soo baxay siyaasiyiintan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad uu xalay ka jeediyey uu ku shaaciyey inuu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada, si talooyinkooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, kuna shaqeysa dastuurka iyo sharciyada noo degsan. Share this post Link to post Share on other sites