Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Muxuu R/W Xamza maanta kusoo arkay degaanka Lambar 50 ee Sh/Hoose?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kula ciiday gobolka Shabeellada Hoose, Ciidamada Qaranka iyo xoogagga xaq dirirka ee dadka deegaanka, kuwaas oo difaac adag iyo halgan ay Khawaraijta uga ciribtirayaan ka wada gobolkaas oo toddobaadyadaan ay Shabaab ku soo qaadeen weerarro rogaal celis ah.

“Xoogga dalka Soomaaliyeed taariikh dagaal ayuu leeyahay, baalka taariikhdana waxaa idin kugu qoran in aad tihiin Libaaxyada Afrika, dagaalka Khawaarijta aad kula jirtaan waa laba mid, in aad guul qaadato ama aad shahiido oo aad janno gasho, marna khasaaro maleh” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayey ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dagaalka xaqa ah ee geesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanku kula jiraan cadowga, waxaana uu u ballan-qaaday in dowladda Soomaaliya ay mar walba ku garab taagan tahay sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta ku soo duushay dalka.

”Waxaad la dirirteen Khawaarijta, waxaan ogahay inaad ciidan sameysateen oo aad iska celiseen, waxaan ogahay inaad xor tihiin, waan idinkugu hambalyeyneynaa guulaha aad ka gaarteen jihaadkii aad la gasheen cadowga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo la hadlayay bulshada magaalada Lambar 50 ee gobolka Shabeellada Hoose.

Booqashada uu Ra’iisul Wasaaruhu maanta ugu tagay geesiyaasha ayaa muujinaysa sida ay Madaxda Dowladda uga go’an tahay xoreynta dalka iyo garab istaagga ciidamada difaacaya jiritaanka iyo qarannimada umadda Soomaaliyeed oo khatar weyn ay ku hayaan Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo koox wasiirro iyo saraakiil ah ay la socdeen ayaa diyaarad militeri ka qaatay Muqdisho, taas oo ka dejisay deegaanka Lambar 50, halkaas oo ciidamada qaranka iyo shacabka ku nool deegaanka ay ku soo dhaweeyeen.

Salaadda Ciidda markii la dukaday kadib ayuu Xamza u jeediyey khudbadaan, iyadoo goobta ay wada fadhiyeen shacabka magaalada iyo ciidamada qaranka, sidoo kalena ay goobjoog ahaayeen Wasiirro iyo saraakiil ciidan.

Ciidamada sugay amniga Ra’iisul Wasaaraha intii uu joogay Lambar 50 ayaa xalay saqdii dhexe ka baxay Muqdisho, iyagoo isku fidiyey dhulka miyiga ah ee Muqdisho ilaa Lambar 50 ka xage, si looga hortago weerarro ay soo qaadaan Al-Shabaab iyo xitaa Hoobiyaal ay soo ridaan.

Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah gobollada ugu halista badan Soomaaliya dhanka argagixisada, balse nasiib wanaag, wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa si nabad ah ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Hoos ka daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this