Sign in to follow this  
Deeq A.

Ha Gelin Halis Mustaqbalkaaga: Maraykanku Wuxuu Adkeeyay La Dagaallanka Tahriibka Sharci-darrada ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Si looga dhigo Maraykanku waddan amaan ah, xooggan, oo barwaaqo ah, Madaxweyne Trump wuxuu xaqiijinayaa in sharciga socdaalka ee Maraykanka la raaco. Haddii aad isku daydo inaad si sharci darro ah ku soo gasho Maraykanka, aad been u sheegto si aad u hesho fiiso, aad ka shaqayso si aan sharci ahayn, ama aad sii joogto Maraykanka ka dib marka fiisahaaga ama muddada oggolaanshaha fiisaha dhammaato, waxaad la kulmi doontaa ganaaxayo culus. Waxaana ka mid ah xabsi, masaafurin, iyo mamnuuc joogto ah oo ka hor istaagaya helitaanka fiiso Maraykan ah mustaqbalka.

Haddii aad leedahay qoys ama saaxiibo ku sugan Maraykanka si sharci darro ah, hadda waa waqtigii aad u sheegi lahayd inay waddankooda ku soo laabtaan.

Hadaa Isku Daydid Inaad Si Sharci Darro Ah Ku Gasho Ama Ku Joogto Maraykanka Waa lagu Qabaneyaa.

Qaar ka mid ah dadka waxay aaminsan yihiin inay si dhuumaalaysi ah ku geli karaan Maraykanka oo aysan la kulmi doonin in la qabto. Taasi waa mid aan run ahayn. Maamulka Madaxweyne Trump wuxuu xoojiyey ammaanka xuduudaha wuxuuna si weyn u kordhiyey tirada ajaaniibta sharci darrada ah ee la qabto lana masaafuriyo.

Bishii Febraayo 2025, isku dayga in si sharci darro ah loo soo galo xadka ayaa hoos u dhacay 94% marka la barbar dhigo Febraayo 2024, halka qabashada dadka xadka si sharci darro ah uga soo gudbay ee ku sugan gudaha Maraykanka ay kordheen 627%. Haddii aad isku daydo inaad xadka Maraykanka si sharci darro ah uga soo gudubto ama aad sii joogto gudaha Maraykanka si sharci darro ah, waa laguu qaban doonaa, waxaana laguugu celin doonaa waddankaaga. Waxa kale oo laga yaabaa in lagaa mamnuuco soo laabashada mustaqbalka ama lagugu soo oogo ganaaxyo iyo dacwad ciqaabeed.

Khayaanada Fiisaha Maraykanka Waxay Leedahay Cawaaqib Xumo Culus

Habka lo helo fiisaha Maraykanka waa kan ugu fudud uguna amaansan caalamka. Hasa ahaate, qaar ka mid ah dadka ayaa weli si aan caqli gal ahayn isku dayaya inay khiyaameeyaan nidaamka iyagoo isticmaalaya dukumiintiyo been abuur ah, ku been sheegaya codsiyada, ama sii joogaya ka dib marka fiisahooda dhaco. Kuwani waa tusaalooyin khiyaano fiise, waana dembi culus. Haddii aad jebiso sharciga qaabkan, waa laguu ciqaabi doonaa, waana laga yaabaa in aanad mar dambe loguu ogolaanin in aad gasho Maraykanka.

Safarka Xadka Maraykanka Waa Khatar

Kuwa ka fikiraya inay qaadaan safarka halista ah si ay si sharci darro ah ugu gudbaan gudaha Maraykanka, waa muhiim inaad fahanto in amnigaaga – xataa naftaadu – ay khatar ku jirto. Kooxo dambiileyaal ah, kartelo (Muuriyaan), iyo dadka ka ganacsada bani’aadamka ayaa bartilmaameedsada muhaajiriinta sharci-darrada ah, iyaga oo u geysanaya rabshado, baad, iyo weeraro. Dad badan oo isku daya safarkan ayaan waligood gaarin meesha ay u socdaan.

Maraykanku wuxuu la shaqeynayaa dalalka kale ee ka tirsan Hemisphere-ga Galbeed si loo joojiyo oo loo celiyo dadka isku daya inay si sharci darro ah ku soo galaan xadka ka hor inta aysan gaarin xadka Maraykanka. Adkeynta xuduudaheena, ma aha oo kaliya inaan ilaalineyno muwaadiniinta Maraykanka, laakiin sidoo kale waxaan ka hortageynaa dhibaatooyinka ay keenaan socdaalka sharci-darrada ah.

Madaxweyne Trump wuxuu la xisaabtami dona Qof Kasta
Dawladda Maraykanku waxay sidoo kale tallaabo ka qaadaysaa kuwa ka caawiya dadka inay si sharci darro ah ku galaan dalka. Tan waxaa ku jira kuwa wax tahriibiya, kuwa ka ganacsada dadka, iyo xataa saraakiisha dowladaha shisheeye ee u oggolaada socdaalka sharci darrada ah inuu sii socdo.

Dhawaantan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio wuxuu ku dhawaaqay sharci cusub oo xaddidaya fiisaha saraakiisha ajnabiga ah – oo ay ku jiraan shaqaalaha laanta socdaalka, kastamka(furdadaha), iyo maamulka dekedaha – kuwaas oo ku guuldareysta inay caawiyaan joojinta socdaalka sharci darrada ah. Tani waxay ku dhisan tahay xaddidaadyo la mid ah oo horey u jiray oo loogu talagalay kuwa ku jira warshadaha gaadiidka iyo dalxiiska. Kuwa khatar ku ah ammaanka Maraykanka iyagoo fududeynaya socdaalka sharci darrada ah laguma soo dhoweyn doono dalkeenna.

Goanka adigaa iskaleh– Raac Sharciga

Khatarta isku dayga in si sharci darro ah loogu soo guuro Maraykanka way ka badan tahay faa’iido kasta oo macquul ah. Waxaad lumin kartaa noloshaada, waxaad noqon kartaa dhibbane u ah dambiilayaal, ama waxaad ku dambayn kartaa rikoodh dhaawacaya mustaqbalkaaga iyo mustaqbalka qoyskaaga.
Soo galidda sharci darrada ah ma aha oo kaliya jebinta sharciyada Maraykanka, laakiin sidoo kale waxay khatar gelinaysaa badbaadadaada iyo wanaaggaaga. Ganaxu waa kuwo culus: xabsi, kala go’id qoyskaaga, iyo mamnuucid joogto ah oo ka hor istaagaysa soo gelidda Maraykanka mustaqbalka.

Haddii aad taqaanid qof ku sugan Maraykanka si sharci darro ah, waxa ugu wanaagsan ee aad samayn karto waa inaad ku dhiirigeliso inuu hadda ka tago ka hor inta aan la qaban.

Farriintu waa mid cad: dooro goanka saxda ah, raac sharciga, hana khatar gelin badbaadadaada, qoyskaaga, ama mustaqbalkaaga.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this