Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahinta: Mareykanka oo duqeyn cusub ka fuliyay PUNTLAND

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa mar kale duqeymo xoogan oo dhanka cirka ah ka fuliyay aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay weli ku sugan yihiin xubno ka tirsan maleeshiyada kooxda Daacish.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa weerarkan dhanka cirka ah fuliyay Mareykanka oo beegsaday fariisimo ay Daacish ku lahaayeen agagaarka togga Miiraale, waxaana lasoo wariyay inuu jiro khasaaro lixaad leh oo la gaarsiiyay kooxda Daacish.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan lagu taageeray ciidamada Puntland oo weli howlgallo ka dhan ah argagixisada ka wada dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Ma jiro wax faah-faahin ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay dhinaca Puntland oo ku aadan howlgalka maata ka dhacay halkaasi iyo duqeymaha xigay intaba.

Sidoo kale, Mareykanka weli wax hadal ah kama soo saarin duqeyntaasi, waxaase inta badan uu faah-faahinta dib kasoo sheegaa marka uu fuliyo weerarka kadib, waana tan dahaareysa in xog dhammeystiran laga helo sida khasaaraha ka dhashay weerarkaas inta uu gaarsiisan yahay, cidda sida rasmiga ah loo beegsaday iyo haddii dad rayid ah wax gaareen.

Duqeyntii u dambeysay ayuu Mareykanka 25-kii bishaan ka fuliyay togga Miiraale, waxaana lagu dilay tiro kamid ah dagaalamaayasha Daacish, kuwaas oo maydadkooda loogu tegay godadkii lagu duqeeyay.

Ujeedka ugu wayn ee duqeymaha ayaa ah mid lagu cuuryaaminayo awoodda kooxda Daacish, si looga hortago inay ka firxato deegaannada ay howlgallada ka socdaan.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee ka qayb-qaadanaya dagaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish, si looga saaro dhulka buuraleyda ah ee Bari, wuxuuna dhanka hawada ka taageeraa ciidamada Puntland ee dagaalka ka wada halkaas.

Waxaa sidoo kale dagaalkan ku jira Isu Tegga Imaaraadka Carabta, oo isna duqeymo ku taageeraya ciidamada Puntland ee sii koraya buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Daacish.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa horay albaabada u furay cid walba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this