Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo howlgal culus ka fulisay Baydhaba + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada Nabad-sigidda, qaybtooda Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Howlgalka ayaa waxaa horkacayay taliyaha ciidanka NISA ee gobolka Baay, Kabtan Cabdifitaax Isaaq Aadan, waxaana laga sameeyay xaafadaha magaalada Baydhaba.

Taliyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa amni xaqiijin, maadaama loo diyaar garoobayo munaasabadda Ciidul-fitriga oo saacado uun ay ka harsan yihiin.

Sidoo kale ciidamada ayaa baarayay gaadiidka iyo mootooyinka isaga kala gooshayo xaafadaha magaalada, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud ee amniga.

Intaasi kadib taliye Cabdifutaax Isaaq Aadan oo ay helinayeen saraakiil kale oo ka tirsan laamaha amniga ayaa kormeeray suuqyada magaalada Baydhaba, iyaga oo xog wareystay ganacsatada iyo shacabka dukaameysanayay.

Waxaa kale oo uu farrii culus u diray shacabka oo uu ugu baaqay inay ka gacan siiyaan nabad-gelyada deegaanka, si looga hortago wax kasta oo halis ah ku amniga.

Baydhaba ayaa waxaa mararka qaar dilal iyo qaraxyo ka fuliso kooxda Al-Shabaab, inkastoo maalmihii u dambeeyay ay xaaladdeedu ahayd mid deggan.

Sidoo kale, magaaladan oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku jirta go’doon, maadaama ay ku hareereysan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Koonfur Galbeed ayaa hadda dareemeyso culeys ay ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, maadaama ay ka haystaan deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ee maamulkaasi.

Waxaa sidoo kale, xaaladda sii culeeyay markii Al-Shabaab badan oo lagu jabiyay dagaalka ka socda Shabeelaha Dhexe ay u firxadeen deegaannada maamulkaasi, gaar ahaan gobollada Baay iyo Bakool, sida ay horay shaaciyeen saraakiisha amniga.

487202100_1179702683839085_1272556375804 487145765_1179702620505758_8892254448696 486773420_1179702913839062_7100461695622 486746385_1179702550505765_7144504924202 486607201_1179702760505744_6321834337374

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this