Sign in to follow this  
Deeq A.

FAHAD YAASIIN oo talooyin cajiib ah u gudbiyey Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA, Fahad Yaasiin, ayaa farriin uu ciwaan uga dhigay “Mudane Madaxweyne, isku dhex yaaca ka hor, dadka la tasho,” u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Fahad ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay diyaar u yihiin inay meel iska dhigaan kala aragti duwanaanshaha, isla markaana uu doonayo inuu Madaxweynaha la wadaago talo iyo tusaale kasta oo dalka badbaado u noqon kara.

“Madaxweyne, waa waqtigii la muujin lahaa midnimo iyo wadajir keeni kara qorshe qaran oo looga hortagi karo argagixisada halista ku ah jiritaanka qaranka,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Sidoo kale, Fahad wuxuu sheegay inuu hal codsi u gudbinayo Madaxweynaha, isla markaana uu jeclaan lahaa in la soo dhaweeyo oo laga aqbalo, taasoo ah “Gogol Qaran.”

“Madaxweyne, waxaad ku baaqdaa gogol qaran oo aad ugu yeerto cid walba oo talo iyo tayo kusoo kordhin karta xaaladda uu dalku marayo maanta. Gogoshaas ha noqoto mid furan oo shuruud la’aan ah, dhinacaaga iyo dhinaca mucaaradka labadaba,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad oo talo-siintiisa sii wata ayaa yiri, “Madaxweyne, waqtigan ma ahan xilligii la is eedeyn lahaa, ee waa xaaladdii la midoobi lahaa. Waxaan kaa rajaynaynaa inaad noqoto odaygii qaranka oo aad meel iska dhigto wax walba oo dalka iyo dadka kala qaybinaya.”

Fahad Yaasiin iyo kooxdii uu ka tirsanaa ee Farmaajo hoggaamin jiray ayaa hore loogu xusuustaa in aysan wax talo wadaag ah la sameyn jirin siyaasiyiinta, aqoonyahanka, dhaqanka bulshada, iyo cid kasta oo mudan in talo la weydiiyo. Si kastaba, maanta wuxuu Xasan Sheekh ugu baaqayaa inuu dadkiisa talo weydiisto.

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, ayaa marar badan talooyin muhiim ah u soo gudbiyey Madaxweyne Xasan Sheekh, balse inta badan ma noqon kuwo miro-dhala oo Xasan aqbalo ama qaato. Si kastaba ha ahaatee, Fahad kama daalo in uu talooyin siiyo isagoo adeegsanaya baraha bulshada.

Talooyinka Fahad Yaasiin uu soo gudbiyo ayaa lagu tilmaamaa kuwo wax ku ool ah oo mudan in la qaato, balse waxaa la isweydiinayaa: Muxuu sida uu tilmaamayo ugu maamuli waayey dalka intii isaga iyo saaxiibkiis Farmaajo xukunka hayeen, oo ay dadka waxgaradka ah ku macneeyeen xukunkii hore ‘mid dalka u horseeday dib u dhac weyn’?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this