Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo jawaab caro leh ka bixisay yabooha Xasan Sheekh u sameeyey Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa si adag u dhaleeceeyay hindisaha ay Soomaaliya u soo bandhigtay Maraykanka, kaas oo ku saabsan in si gaar ah loogu wareejiyo maamulka kaabayaasha istaraatiijiga ah, gaar ahaan dekedda iyo saldhigga diyaaradaha ee Berbera.

Isagoo la hadlayay wakaaladda Reuters Jimcihii, Cabdiraxmaan wuxuu arrintan ku tilmaamay mid ay ka dambeyso “maamul musuq-maasuq ah” oo ka jira Soomaaliya, wuxuuna si kalsooni leh u sheegay in Maraykanku hadda diyaar u yahay inuu si toos ah ula macaamilo Somaliland.

“Waa maxay iskaashiga la sheegayo?” ayuu si kulul u weydiiyay. “Maraykanku muddo dheer ayuu ka quustay hay’addan fashilantay ee la yiraahdo Soomaaliya. Hadda Maraykanku diyaar buu u yahay inuu la shaqeeyo Somaliland, oo ah dal adduunka u muujiyay nabad, xasillooni, iyo dimuqraadiyad.”

Cabdiraxmaan wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland: “Maraykanku ma aha kuwo aqoon yari haysa. Si fiican bay u garanayaan cidda gacanta ku haysa furaha dekedda Berbera.”

Warqaddii Soomaaliya u dirtay Trump

Hadalkan adag ee Cabdiraxmaan wuxuu daba socdaa warqad soo shaac baxday oo uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, u diray Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump. Warqaddan, oo ay Reuters dib u eegis ku samaysay, ayaa ku taariikhaysan 16-kii Maarso.

Warqaddaas, Xasan Sheekh wuxuu Maraykanka ugu soo bandhigay in si gaar ah loogu wareejiyo maamulka xarumo istaraatiiji ah, oo ay ku jiraan saldhigyada diyaaradaha ee Balidoogle iyo Berbera, iyo dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

Ujeeddada Soomaaliya ee hindisahan ayaa la sheegay inay tahay in Maraykanku helo joogitaan milatari oo xooggan oo ka dhex muuqda Geeska Afrika, taasoo fududayn karta dadaalka lagu xakameynayo khatarta joogtada ah ee ka imaanaysa kooxaha Islaamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Madaxweyne Xasan ayaa warqaddiisa ku adkeeyay muhiimadda istaraatiijiga ah ee xarumahaas, isagoo sheegay inay “fursad weyn u yihiin xoojinta xiriirka Maraykanka ee gobolka, iyagoo dammaanad qaadaya helitaan joogto ah oo saadka iyo istaraatiijiyadda ah, lagana hortagayo saameynta tartamayaasha shisheeye ee isha ku haya marin-biyoodkan muhiimka ah.”

Xiisadda ka dhalatay Berbera

Si kastaba ha ahaatee, ku darista Berbera ee hindisaha Soomaaliya waxay sii xumeyn doontaa xiriirka horayba u cakirnaa ee kala dhexeeya Somaliland.

Somaliland waxay ku dhawaaqday madax-bannaanideeda sannadkii 1991, waxaana ay si adag uga soo horjeeddaa in Soomaaliya yeelato xukun ama saameyn dib ugu soo noqota. Somaliland waxay si buuxda gacanta ugu haysaa Berbera, iyadoo muddo ka badan 30 sano si isdaba joog ah u raadineysay aqoonsi caalami ah.

Ilaa hadda, wasaaradaha arrimaha dibadda iyo warfaafinta ee Soomaaliya kama aysan hadlin warqaddaas ama jawaabta kulul ee Somaliland.

Saldhigga diyaaradaha ee Balidoogle wuxuu qiyaastii 90 km dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan yahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halka dekedda Boosaaso ay ku taallo gobolka is-maamulka leh ee Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this