Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Shabeellooyinka + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Sheekh Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay furinta hore ee dagaalka ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee laga fuliyay gobollada Shabeellooyinka oo ay weli isku hayaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ugu horreyn afhayeenka ayaa faah-faahiyay howlgallo iyo duqeymo culus oo saaka ka dhacay deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna sheegay in jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan deegaannadaasi ay dib ula wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayna haatan ka wadaan howlgallo nadiifin ah.

“Meel loo laabto ma jirto illaa dalka laga sifeeyo Al-Shabaab, Sabiib iyo Caanoole waxaa hadda gacanta ku haya ciidanka” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Howlgalka labaad ayaa sidoo kale ka dhacay deegaanka Ceelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna afhayeenka xaqiijiyay in halkaas lagu dilay ilaa 30 ka tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgal saddexaad oo kale uu ka dhacay deegaanka Buus Caduur oo hoostaga degmada Aadan Yabaal, kaas oo ay qaadeen ciidamada Macawiisleyda, wuxuuna shaaciyay in lagu dilay laba xubnood oo Shabaab ah, lagana soo furtay hubka ay wateen.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ka dhacay Shabeellooyinka ee ay guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Xaaladda deegaannada lagu dagaalamay ayaa weli kacsan, waxaana ka socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, iyada oo mar kastaa ay suuragal tahay in dagaalladu ay dib u qarxaan.

Si kastaba, ha’ahaateen dhowaan dowladda Soomaaliya ayaa dib u billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo hakad ku yimid muddooyinkii u dambeeyay, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda ay soo galeen gobollada Shabeelooyinka, sidoo kalena lagu arkay deegaanno aad ugu dhow magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Dagaalladii ugu cuslaa ee ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaannada Ceel-Baraf iyo Daaru-Nicma, Ceel Cali Axmed, Masaajiid Cali Gaduud, Sabiid iyo Canoole, degmada Awdheegle iyo deegaanno kale, waxaana barbar socday duqeymo diyaaradeed oo xoogan.

Duqeymaha cirka ah waxay ka mid yihiin istaraatiijiyadda dagaal ee lagu yareynayo khatarta weerarrada tooska ah iyo in lagu wiiqo awoodda kooxaha hubeysan, waxaana Soomaaliya ka caawiya dalal waa wayn sida Mareykanka, Turkiga iyo Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this