Sign in to follow this  
Deeq A.

Calmiskaad: Duqeymo culus oo maanta ku socda Argagixisada Daacish ee u firxaday Miraale iyo Baalade sare

Recommended Posts

Deeq A.   
Duqeyn.jpg?resize=660%2C495&ssl=1

Duqeymo xooggan oo dhawaqooda culus yahay ayaa maanta oo Sabti ah laga maqlayaa inta u dhexaysa togaga Miraale iyo Baalade sare, kuwaasi oo lagu beegsanayo Habqankii firxaday ee Argagixisada Daacish.

Saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ku sugan jiidda Miraale ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan dhawaqa culus ee duqeymaha oo ku hoobanaya degaannada u dhexeeya labada tog ee Miraale iyo Baalade, halkaasi oo ay weli ku dhuumanayaan Habqankii mileeshiyaadka Daacish ee ka firxaday duqeymihii hore.

Dowladda Puntland weli War Rasmi ah kama soo saarin cidda fulinaysa duqeymaha maanta ku socda kooxda Daacish, balse saraakiisha Ciidamada oo aan la xiriirnay ayaa sheegaya in saaxiibada Puntland ee Mareykanka ay fulinayaan duqeymahan culus si lamid ah kuwii habeeno ka hor ka dhacay Miraale oo lagu beegsaday Argagixisada.

PUNTLAND POST

The post Calmiskaad: Duqeymo culus oo maanta ku socda Argagixisada Daacish ee u firxaday Miraale iyo Baalade sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this