Sign in to follow this  
Deeq A.

James Swan oo loo Magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta, Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Af-hayeenka Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, uu James Swan u magacaabay Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa UNTMIS.

Guterres wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Mudane Swan uu aqbalay hoggaaminta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya muddadan xasaasiga ah.

Md. Swan ayaa xilkan si kumeelgaar ah u hayay tan iyo bishii Maajo ee 2024.

James Swan waa diblomaasi waayo arag ah oo muddo dheer kasoo shaqeeyay dalal badan oo Afrikaan ah, kuwaas oo la tacaalaya isbeddelo siyaasadeed oo adag.

Wuxuu horey uga soo qabtay xilal sare Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, taasoo ka dhigtay khabiir aad u fahamsan xaaladda dalka.

Magacaabistiisa cusub ayaa la filayaa inay wax ka tari doonto dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu taageerayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this