Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dhaq-dhaqaaqa ay Sanbaloolshe iyo Yuusuf Dabageed ka wadaan HIIRAAN

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar, ayaa maanta degmada Moqokori kulan muhiim ah kula yeeshay odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, sugidda amniga, iyo dardar-gelinta howl-gallada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada maamulka Hirshabeelle.

Madaxda dowlad-goboleedka iyo hay’adda sirdoonka ayaa kala hadlay odayaasha dhaqanka sidii la iskaga kaashan lahaa sugidda nabadgelyada iyo xoojinta wadashaqeynta bulshada iyo dowladda.

Yuusuf Dabageed ayaa shirka ka sheegay in Hirshabeelle ay ka go’an tahay xaqiijinta amniga iyo bilaabidda wejiga labaad ee howl-galka lagu xoreynayo deegaannada Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne ku-xigeenka wuxuu carrabka ku adkeeyay in qorshuhu yahay in si buuxda loo ciribtiro dhammaan kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gobolka, si shacabka ay ugu noolaadaan nabad iyo horumar.

Dhankiisa, Taliyaha NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa xusay in hay’adda sirdoonka ay diyaarisay qorshayaal dhameystiran oo lagu xaqiijinayo sugidda amniga deegaannada Hirshabeelle, iyadoo diiradda la saarayo Shabeellaha Dhexe.

Wuxuu sheegay in howl-gallada xoreynta ay socdaan, ayna jiri doonaan tallaabooyin culus oo lagu dardar-gelinayo sidii gobolka si buuxda looga xoreyn lahaa kooxaha dhibaatada ku haya shacabka.

Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa dhankooda ballan qaaday inay garab taagan yihiin dadaallada dowladda, iyagoo qiray inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo horumarka deegaannada Hirshabeelle.

Shirka Moqokori ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga, isla markaana loogu gol leeyahay in gobolka Hiiraan iyo guud ahaan deegaanada ay uga sugan tahay kooxda Al-Shabaab laga sifeeyo.

487420778_1171317885034816_8940506213726

486953262_1171317778368160_5660917484287

486780042_1171317948368143_4806605746875

486521032_1171317911701480_8927860771957

486769846_1171317921701479_6107411799084

487445261_1171317821701489_5316645618384

486643041_1171317825034822_6654744402840

487412173_1171317865034818_4930815326577

487063667_1171317838368154_8496613482658

486388737_1171317795034825_3188843080164

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this