Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan oo dacwad xasaasi ah ka gudbinaysa saraakiisha sare ee difaaca Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarineyso dacwad xil ka qaadis ah oo ka dhan ah saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, kuwaas oo lala xiriirinayo sir dhawaan la faafiyay.

Sirta la shaaciyay ayaa daaha ka rogtay wada-hadallo qarsoodi ah oo u dhexeeyay madax ka tirsan dowladda Maraykanka, kuwaas oo si gaar ah uga dooday weerarrada Yemen.

Xubnahan ayaa la sheegay inay caro ka muujiyeen taageerada Mareykanku siiyo xulafadiisa Yurub, iyagoo ku dooday in weerarrada Mareykanka ee Yemen ay sababi karaan kor u kaca qiimaha shidaalka.

Tan ayey sheegeen inay Mareykanka ka dhigayso mid difaacaya danta Yurub halkii uu ka ilaalin lahaa danihiisa gaarka ah.

Ilhaan Cumar ayaa bartilmaameedsanaysa Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, Lataliyaha Amniga Qaranka Michael Waltz, iyo Agaasimaha CIA John Ratcliffe, sida ay sheegtay warbaahinta Axios.

Waxay haatan wadaa dadaallo ay ku kasbaneyso taageerada xubnaha xisbigeeda ee Dimuqraadiga, si ay dacwaddan uga gudbiso Aqalka Koongareeska.

Sirta banaanka usoo baxday

Saraakiil sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka ayaa ka wada-hadlay qorshayaal ciidan oo aad u xasaasi ah, iyagoo adeegsanaya group chat lagu abuuray App aan loo astayn xogta sirta ah, kaasi oo si khaldan loogu soo daray suxufi, sida uu Isniintii xaqiijiyay Aqalka Cad.

Brian Hughes, oo ah afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, ayaa sheegay in fariimaha lagu shaaciyay warbixin gaar ah oo uu qoray Jeffrey Goldberg, tifaftiraha majalladda Atlantic, ay yihiin kuwo dhab ah. Waxa uu intaa ku daray in maamulka Trump uu baarayo sida lambarkan khaladka ah loogu soo daray group-ka.

Lambarkaasi khaladka lagu soo daray ayaa ahaa midka Jeffrey Goldberg, kaas oo warbixintiisa si faah-faahsan uga hadlay kulan muhiim ah oo siyaasadeed, kaas oo dhacay ka hor hawlgal ciidan oo dhacay Maarso 15, kaas oo lala beegsaday maleeshiyada Xuutiyiinta ee Yemen.

Goldberg ayaa sheegay in wada-hadalka lagu soo daray isagoo adeegsanaya barta fariimaha qarsoodiga ah ee Signal, waxaana kusoo daray Michael Waltz, la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Donald Trump.

Ka qayb-galayaasha kale ee muuqday waxaa kamid ahaa madaxweyne ku-xigeenka JD Vance, xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio, xoghayaha difaaca Pete Hegseth, agaasimaha sirdoonka qaranka Tulsi Gabbard, agaasimaha CIA John Ratcliffe iyo kaaliyayaal kale oo sare, sida lagu sheegay warbixinta Atlantic.

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa ku sheegay wada-hadalka inuu aaminsan yahay in maamulka Trump uu samaynayo “qalad” isagoo billaabaya hawlgal milateri oo Maraykanku ku tilmaamay mid furan oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tilmaamay in kaliya boqolkiiba 3 ganacsiga Maraykanka uu maro kanaalka Suweys, halkaas oo Xuutiyiintu ay ka beegsadeen maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta Badda Cas, isagoo sheegay inay jirto “khatar dhab ah oo ah in dadweynaha Maraykanku aysan fahmin sababta hawlgalku muhiim u yahay.”

Hegseth ayaa ugu jawaabay isagoo sheegay inuu fahmayo walaaca Vance, kuna taageerayo inuu arrinta Trump kala hadlo.

Xoghayaha difaaca ayaa sidoo kale xusay inay adag tahay in shacabka loo sharxo hawlgalka, sababtoo ah “dadku ma yaqaaniin cidda ay yihiin Xuutiyiintu,” wuxuuna soo jeediyay in shacabka Maraykanka lagu qanciyo in “1) maamulka Biden uu ku fashilmay joojinta weerarrada iyo 2) in kooxda ay maalgaliso Iran.”

Waxaa muuqday in tani ay ahayd tilmaan ku saabsan fashilkii maamulka Biden ee ka hortagga weerarrada Xuutiyiinta iyo taageerada muddada dheer ee Tehran siiso kooxdaas.

Si ka duwan Vance, Hegseth ayaa soo jeediyay in tallaabo degdeg ah la qaado, isagoo sheegay inay jirto halis ah in qorshaha Trump uu bannaanka usoo baxo ama Israel ay marka hore weerarto kooxda, taasoo ka dhigaysa inay lumaan fursad ay ku bilaabaan arrintan sida ay iyagu doonayaan, sida uu sheegay Goldberg.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka, Hughes, ayaa wada-hadalka ku tilmaamay inuu yahay “caddayn muujinaysa heerka sare ee isku-duwidda siyaasadeed iyo wada-shaqaynta maamulka Trump uu ku fulinayay istiraatiijiyaddiisa amniga qaranka.”

Si kastaba, shaacinta xogtan ayaa isla markiiba dhalisay su’aalo ku saabsan sida maamulka Trump uu uga hadlay arrimaha sirta ah iyo haddii tallaabo anshaxeed laga qaadi doono qofkii ku lug lahaa.

Saraakiisha sare ee maamulka Trump ayaa maalmahan ka digayay inay baaritaan ku sameyn doonaan xog sir ah oo loo dusiyay saxaafadda, iyagoo tusaale usoo qaatay warbixinno dhowr ah oo arrintan ku saabsan. Qaarkood ayaa sidoo kale muddo dheer dhaleeceynayay sida Dimoqraadiyiintu u maareeyeen xogta sirta ah xaalado hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this