Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiis xasaasi ah oo ka dhan ah Imaaraadka Carabta oo ka furmaya Maxkamadda ICJ

Recommended Posts

Deeq A.   

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa Jimcaha manta ah sheegtay inay dhageysan doonto dacwad ay Suudaan ka gudbisay Imaaraadka Carabta, taasoo codsaneysa in la qaado tallaabo deg-deg ah oo looga hortagayo xadgudubyada lagu eedeeyay Imaaraadka ee ah inay hub siiso xoogagga sida militariga u tababaran, taasoo jabineysa waajibaadka ku xusan Heshiiska Xasuuqa (Genocide Convention).

Imaaraadka Carabta ayaan si deg-deg ah uga jawaabin eedeymahaas. Bishii hore, Imaaraadka wuxuu sheegay inuu doonayo in dacwadda Suudaan la tuuro, isagoo ku andacoonaya in cabashadaasi aysan lahayn “asal sharci ama xaqiiqo oo sugan.”

Suudaan waxay ku eedeysay Imaaraadka inuu hub siiyo xoogagga Dacmu Sariic ama Rapid Support Forces (RSF), kuwaas oo laba sano dagaal kula jiray ciidamada Suudaan – eedeymo ay Imaaraadka si adag u beeniyeen, balse khubarro Qaramada Midoobay iyo sharci-dejiyeyaal Mareykan ah ay rumeysan yihiin inay yihiin kuwo la rumeysan karo.

Eedeynta Suudaan ee Imaaraadka

Dacwadda Suudaan ee loo gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee fadhigeedu yahay Hague waxay la xiriirtaa weerarro salka ku haya qowmiyad gaar ah oo RSF iyo maleeshiyaad ay la safan yihiin ay u geysteen qowmiyadda aan-Carabta ahayn ee Masalit ee ka dhacay Galbeedka Darfur sanadkii 2023.

Weerarradaas, oo si faahfaahsan ay u baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa loo aqoonsaday xasuuq. Weerarradaas ayaa bishii Janaayo ay Mareykanka si rasmi ah ugu sifeeyeen xasuuq.

Suudaan waxay maxkamadda ka codsatay inay soo saarto amar degdeg ah oo ka hor istaagaya Imaaraadka inuu sii wado tallaabooyinka loo arko xasuuq ka socda Darfur.

Maxkamaddu waxay sheegtay inay dhageysan doonto codsiga Suudaan 10-ka April.

Maadaama dacwadaha ICJ ay qaataan sanado badan in la soo gabagabeeyo, dowladaha waxay codsan karaan tallaabooyin deg-deg ah si looga hortago in khilaafka sii fido inta go’aanka kama dambaysta ah laga gaarayo.

Suudaan waxay gashay dagaal dhimasho badan sababay bishii April 2023, kaddib markii xiisado muddo dheer u dhexeeyay ciidamada milatariga iyo xoogagga sida militariga u tababarn ay qarxeen, gaar ahaan caasimadda Khartoum, taasoo dagaalka sii fidisay gobollada kale.

Dagaalkaasi wuxuu dilay in ka badan 24,000 oo qof, halka in ka badan 14 milyan oo qof — oo u dhiganta 30% dadweynaha — ay guryahooda ka qaxeen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Waxaa la qiyaasayaa in 3.2 milyan oo Suudaani ah ay u qaxeen wadamada deriska ah.

Diyaarado hub u gudbiyay RSF

Kooxda Conflict Observatory, oo ay maalgeliso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka isla markaana la socota xaaladda dagaalka Suudaan, ayaa soo bandhigtay caddeymo muujinaya diyaarado la rumeysan yahay inay hub u gudbinayeen RSF. Diyaaradahaas ayaa ka degayay garoonka diyaaradaha Aéroport International Maréchal Idriss Deby ee magaalada Amdjarass ee Chad.

Si kastaba ha ahaatee, Imaaraadka ayaa sheegay in duulimaadyadaasi ay la xiriireen taageerada isbitaallo maxalli ah.

Bishii Janaayo, Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka waxay cunaqabateyn kusoo rogtay hoggaamiyaha RSF, Maxamed Xamdan Daqlo Muuse, oo loo yaqaan Hemedti, iyo toddobo shirkadood oo ay RSF leedahay oo ka howlgalayay Imaaraadka Carabta, kuwaas oo mid kamid ah lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga ganacsadaan dahabka laga dhoofiyo Suudaan.

Cunaqabateyntaas ayaa timid iyadoo Mareykanku uu ku dhawaaqay in RSF ay geysteen xasuuq.

Imaaraadka Carabta ayaa si isdaba joog ah loogu eedeeyay inuu hub siiyo RSF – eedeymo uu si adag u beeniyay, inkastoo ay jiraan caddeymo cagsigeeda ah.

Imaaraadka ayaa sheegay inuu mar walba ku baaqayay xabbad-joojin degdeg ah oo lagu soo afjaro dagaalka.

“Isticmaalka Suudaan ee dacwadda ICJ ma beddelayo mas’uuliyadda sharci iyo tan anshax ee ka saaran ciidamada qalabka sida iyo masiibada bani’aadannimo ee dalka ka jirta,” ayuu Imaaraadka yiri.

Go’aannada ay gaarto Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, oo sidoo kale loo yaqaan Maxkamadda Adduunka, waxay qaataan sanado badan in la gaaro go’aanka kama dambaysta ah, waxaana go’aannadaas sharciyan waajib ku ah dalalka ay khuseyso. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this