Deeq A. Posted Friday at 07:30 PM Washington (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Maraykanka usoo bandhigtay “maamul gaar ah oo hawleed” oo ay ku maamulayaan dekedaha istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed si looga hortago in Washington aqoonsato gobollada gooni u goosadka ah ee dalka. Dalabkan ayaa yimid inkasta oo Muqdisho aysan si toos ah gacanta ugu hayn goobahaas. Warqad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kuna taariikheysa Maarso 16, oo ay heshay warbaahinta Semafor, ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay Maraykanka usoo bandhigtay “hanti istaraatiiji ah” oo kor u qaadi karta saameynta Maraykanka ee gobolka, hubin karta marin aan hakad lahayn oo milatari iyo saadka ah, isla markaana looga hortagayo tartamayaasha shisheeye inay saldhig ka sameystaan marinka istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed. Hase yeeshee, goobaha la soo bandhigay — dekedda iyo saldhigga Berbera ee Somaliland iyo dekedda iyo saldhigga Bosaso ee Puntland — kama hoos shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, balse Muqdisho waxay u aragtaa dhammaan goobahaas inay ka mid yihiin dhulkeeda qaran. Xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Maraykanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu warqaddiisa ku xusay xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo Maraykanka oo bilowday xilligii madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Reagan, markaas oo xukuumaddii militariga ee Soomaaliya ay ogolaatay in Maraykanku uu isticmaalo saddex garoon oo kala ah Muqdisho, Kismaayo, iyo Berbera. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ku adkeystay sida uu uga go’an yahay xoojinta iskaashiga labada dal, isagoo ku amaanay Maraykanka doorkiisa hoggaamineed ee xagga amniga iyo xasilloonida caalamiga ah. “Maamulkaaga hoostiisa, Maraykanku wuxuu xoojiyay doorkiisa hoggaamineed ee xagga amniga iyo xasilloonida caalamiga ah. Waxaana aqoonsannahay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo horumariyo yoolalkaas Geeska Afrika iyo meelaha kale,” ayaa lagu yiri warqadda. “Maanta, iyadoo la eegayo isbeddelada caalamiga ah ee sii socda, waxaan u aragnaa fursad cusub oo lagu xoojin karo iskaashigan si loo daboolo danaha labada dal, isla markaana loo ilaaliyo amniga Gacanka Cadmeed, Badda Cas, iyo guud ahaan gobolka,” ayuu Xasan Sheekh ku daray. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale muujiyay diyaar ahaanshaha Soomaaliya si loo bilaabo wadahadallo lagu horumarinayo qorshaha, wuxuuna Trump ka codsaday inuu usoo diro wafdi Maraykan ah oo yimaada Muqdisho “wakhti labada dhinac ku heshiin karaan.” Cabsida DF ee ah inay lumiso taageerada Maraykanka Warqadda ayaa timid iyadoo Soomaaliya ay dadaal ugu jirto inay gacanta ku hayso gobollada muhiimka ah ee xeebaha, iyadoo laga cabsi qabo in Maraykanku uu dib uga laabto taageeradiisa dhismaha dowladnimada Soomaaliya. “Yaa u ogolaatay inay bixiyaan maamulaan goobahaas?” ayuu yiri Cameron Hudson, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Barnaamijka Afrika ee Xarunta Daraasaadka Caalamiga ah iyo Istaraatiijiga. “Waxay arrintan u adeegsanayaan xeelad ay Maraykanka kaga helaan aqoonsi rasmi ah oo la siiyo dowladda Soomaaliya, taasoo sharciyad u siinaysa inay maamusho gobollada gooni u goosadka ah.” Somaliland, oo ah gobol is-maamula oo Soomaaliya ka tirsan, ayaa muddo ka badan 30 sano doonaysay inay hesho aqoonsi caalami ah oo rasmi ah, waxayna fursad cusub ka aragtaa maamulka Trump. Sida markii ugu horreysay la shaaciyay bishii December, xubno ka tirsan xukuumadda cusub ee Maraykanka ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan aqoonsiga Somaliland. Tallaabadan ayaa Maraykanka u ogolaan karta inuu si rasmi ah u dhiso hawlgallo sirdoon oo joogto ah oo lagula socdo dhaq-dhaqaaqa hubka ee gobolka xasilloonida darani ka jirto, iyadoo sidoo kale la eegi karo dhaqdhaqaaqa Shiinaha ee gobolka. Bishii Janaayo, guddi muhiim ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka oo ka shaqeeya xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ugu baaqay Waaxda Arrimaha Dibadda inay xafiis matalaad ah ka furato Somaliland. Dekedaha istaraatiijiga ah ee Berbera iyo Boosaaso Dekedda iyo saldhigga Berbera ee Somaliland ayaa ah meelaha ugu muhiimsan ee lagala socon karo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, si gaar ahna looga hortago weerarrada Xuutiyiinta. Sanadkii 2022, Somaliland ayaa si iskeed ah Maraykanka ugu bandhigtay inay adeegsato dekedda Berbera si loogu beddelo aqoonsi rasmi ah. Bishii hore, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa u sheegay warbaahinta dadweynaha ee Israel ee KAN in Somaliland ay diyaar u tahay inay qaabisho muwaadiniinta Gaza si ay u hesho aqoonsi caalami ah. Puntland, oo xiriirkii u jartay Muqdisho bishii Maarso ee sanadkii hore kadib khilaafyo siyaasadeed oo soo jiitamayay, waxay gacanta ku haysaa dekedda Bosaso oo si istaraatiiji ah ugu taalla Gacanka Cadmeed, waana deked ganacsi oo muhiim ah. Kooxda Daacish ayaa saldhig adag ka samaysatay gobolka buuraleyda ah ee Puntland, taasoo noqotay bartilmaameed ay beegsadaan duqeymaha Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta. Bosaso waxay saldhig u noqotay howlgallada ciidamada difaaca Puntland ee lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah. Xiriirka Imaaraadka, DP World, iyo Somaliland Waqtigan xaadirka ah, shirkadda DP World, oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqaysa saadka lagana leeyahay Imaaraadka Carabta, ayaa gacanta ku haysa hawlgallada dekedaha Berbera iyo Bosaso. Dowladda Imaaraadka oo taageero weyn siisay ololaha Somaliland ee aqoonsiga ayaa sidoo kale xiriir la leh Israel. DP World ayaa si weyn u maamusha dekedaha Berbera iyo Bosaso, iyada oo taageero ballaaran ka helaysa Imaaraadka Carabta, taasoo sii kordhinaysa saamaynta ay Imaaraadku ku leeyihiin gobolka. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in ay Maraykanka ka hesho taageero sii socota, si looga hortago aqoonsiga gobollada gooni u goosadka ah. Iyada oo khilaafaad siyaasadeed ay ka taagan yihiin gudaha Soomaaliya, Muqdisho waxay u aragtaa in xoojinta xiriirka Maraykanka uu muhiim u yahay badbaadada midnimada qaranka. Sida uu sheegay Cameron Hudson, Dowladda Soomaaliya waxay ka walaacsan tahay in Maraykanku uu xiriirka u jaro dowladda federaalka ah, islamarkaana uu soo afjaro mashruuca dib-u-dhiska dowladnimada ee socday muddo toban sano ah, si uu diiradda u saaro la dagaallanka argagixisada iyadoo la adeegsanayo saldhigyo muhiim ah oo istaraatiiji ah. Hudson ayaa sheegay in fikradda ay qabaan xildhibaannada xisbiga Jamhuuriga ay tahay: “Soomaaliya ma aha dawlad shaqeysa, mana ahan mid dani noogu jirto inaan isku dayno inaan dhisno dawlad rasmi ah oo ka hanaqaada Soomaaliya. Waan fulin karnaa howlgallo lagula dagaallamayo argagixisada iyada oo aan la dhisin dowlad taabba-gal ah,” ayuu sharaxay. Sidaas darteed, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay cabsi ka qabtaa in Maraykanku uu isbedel istaraatiiji ah sameeyo, taasoo horseedi karta in la iska indho-tiro dadaalladii lagu dhisayay dowladnimada, lana xoogga saaro howlgallo milatari oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish. Taasina waxay sii adkeyn kartaa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka. Si kastaba ha ahaatee, xiisaha sii kordhaya ee Maraykanku u qabo Somaliland iyo Puntland waxa uu abuuri karaa khatar kale oo sii xumeyn karta xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika. Share this post Link to post Share on other sites