Sign in to follow this  
General Duke

Editorial: Puntland will safe money resources post TFG.

Recommended Posts

Puntland dhaqaalaheedii ayaa u baaqan doona mar hadday burburtay dowladii KMG ahayd

Posted to the MOL December 29, 2008, 8:23 am

 

Iyadoo maanta uu madaxweyne Yuusuf magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay inuu iscasilay ayaa dad badan oo reer Puntland ah soo dhaweeyeen arintaas ka dib markii ay guuldaraysatay dowladii KMG ahayd ee lagu soo dhisay dalka Kenya mudo 4 sanno ka hor ah.

 

Shabakada Mudugonline uu u kuur gashay dareenka dadka reer Puntland ayaa muujinaya inay dadka reer Puntland ay u arkaan iscasiladaada madaxweyne Yuusuf mid sax ahayd loona baahnaa inay intaan ka soo hormarto. Deegaanada Puntland oo ahayd lafdhabarta ugu weyn ee ay ku taagnayd dowlada KMG ah ayaa hadda waxaa muuqata inay la noqon doonaan taageeradii ay u hayeen dowladaas markii ay ka shaqayn weyday xubnihii ugu sareeyay oo isku bahaysatay kaliya sidii ay u afganbin lahaayeen dowladii ay madaxda ka ahaayeen.

 

Haddaba su’aasha dad badan oo Somali ah isweydiinayaan maanta ayaa waxay tahay bal sida ay u shaqeyn doonto dowlad ay madax ka yihiin Sh. Shariif oo la filayo in loo doorto booskii madaxweyne Yuusuf iyo Gudoomiyaha baarlamaanka oo gacantiisa ku burburiyay dowlada KMG ah.

 

 

Waxaa durba bilaamay in siyaasiyiintii Puntland ugu jiray dowlada KMG ah ay ka baxaan magaalooyinka Muqdishu iyo Baydhabo. Waxaa kaloo isdiyaarinaya oo la filayaa inay dhawaan baxaan ciidamada Puntland oo iyaguna ah cududa ciidan ee ugu weyn ciidamada dowlada burburtay ee KMG ah.

 

 

Siyaasi ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa maanta isagoo arimamahaas ka faaloonaya wuxuu yiri; Puntland iyo awoodeedii tagtaye, bal Nuur Cadde, SH. Shariif iyo Aadan Madoobe ha keeneen wax Somali u dhan tahay oo ay isugu imaan karto. Isagoo intaas ku daray in qorshaha Sh. Shariif ee ka dhigaya tirada baarlamaanka 550 uusan hirgali doonin.

 

 

Saadaasha hadda socota ayaa waxay tahay inaysan dowlada KMG ah dhaafi doonin sannadkaan, baarlamaanka inta Baydhabo ku hartayna ay u kala firxan doonaan deegaanadoodii. Kooxda Alshabaabna ay la wareegi doonto magaalooyinka koonfurta Somaliya taas oo dad badan oo Somali ahi raali ku yihiin marba haddii siyaasiyiin isku sheegii ay burburiyeen dowladii dhisideeda lagu soo dhibtooday.

 

 

 

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kooxda Alshabaabna ay la wareegi doonto magaalooyinka koonfurta Somaliya taas oo dad badan oo Somali ahi raali ku yihiin marba haddii siyaasiyiin isku sheegii ay burburiyeen dowladii dhisideeda lagu soo dhibtooday.

 

Does that mean Sharif and Cade are warmig the seat for abu mansuur? and if this come to pass will the shabaab be heading to Bosaso and Hargaysa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this