Sign in to follow this  
Deeq A.

Dacwad-ooge dalbaday in Sarkozy lagu xukumo 7 sano oo xarig ah

Recommended Posts

Deeq A.   
1000009248.jpg?resize=664%2C443&ssl=1Sanadkii 2018kii ayaa dacwada lagu soo oogay Sarkozy kaddib baaritaan billowday sanadkii 2013kii.

Paris (Wararka PP) — Xafiiska Dacwad-oogaha Qaranka ee Faransiiska ayaa maanta codsaday in Madaxweynhii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy lagu xukumo 7 sano oo xarig ah iyo 300,000 Yuuro oo ganaax ah. Sarkozy waxaa lagu soo eedeeyey  in Liibiya ay maalgelisay ololihiisii doorashada ee 2007dii.

Sanadkii 2018 ayaa dacwada lagu soo oogay Sarkozy kaddib baaritaan billowday sanadkii 2013kii. Sarkozy waxaa lagu eedeeyey musuqmaasuq si uu dano ugu fuliyo Madaxweynihii hore ee Liibiya Mucamar Qadaafi iyo inuu kaalin ku lahaa shabakad lacagaha si sharcidarro ah u dirta.            

© Puntland Post, 2025

The post Dacwad-ooge dalbaday in Sarkozy lagu xukumo 7 sano oo xarig ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this