Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuquuq Insaanka Puntland oo war ka soo saaray laba dhalinyaro ah oo todobaad gudihiis lagu dilay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1743148573650.jpg?resize=720%2C67

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray si adag u cambaareeyay dilka laba dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed loogu geystay magaalada Garoowe.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ee Puntland ayaa lagu sheegay in Xafiisku isha ku hayay dilka laba dhalinyaro oo xoogsato ah todobaad gudihiis loogu geystay magaalada Garoowe kuwaasi oo kala ah Cabdimaalik Aadan Xuseen iyo Mustafe Maxamed Nuur.

“Waxaan u soo jeedinaynaa hay’adaha ammaanka, kuwa caddaalada iyo qoysaska eedaysanayaasha in si dhaqso leh loo xaqiijiyo caddaalad helidda dhibanayaasha. Waxaan si gaar ah ugu boorinnaynaa hay’adaha amniga in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysanaha gaystay dilka marxuum Cabdimaalik Aadan Xuseen oo illaa iyo hadda aan la soo qaban, si sharciga loo horgeeyo” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa ka digay in qof si sharci-darro ah lagu xiro, loona ciqaabo dambi uusan lahayn, waxaana uu sheegay in Xafiisku si gaar ah isha ugu hayn doono caddaalad helidda dhibanayaasha.

FB_IMG_1743104886734.jpg?resize=720%2C11

PUNTLAND POST

The post Xuquuq Insaanka Puntland oo war ka soo saaray laba dhalinyaro ah oo todobaad gudihiis lagu dilay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this