Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo laga sugayo jawaab adag ka dib weerarkii deegaanka Masaajid Cali guduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Alshabaab ayaa subaxnimadii hore ee maalintii arbacada weerar culus ku qaaday deegaanka Masaajid Cali guduud oo ka tirsan gobolka shabeellada dhexe, kana mid ah aagagga istiraatiijiga ah markii laga hadlayo isku socadka Muqdisho iyo degmooyinka gobolka Shabeellaha dhexe.

Deegaankan oo ay maraan jidadka halbowlaha u ah isku gudubka ciidamada howlgallada ku jira iyo dadweynaha u socdaalaya gobollada dhexe ayaa wajigii koobaad ee dagaalka laga saaray kooxda Al-Shabaab, waxaana xorayntiisii oo maalmo qaadatay ku dhintay tobanaan askari oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida.

Haddaba weerarkii ay Alshabaab ku soo qaadeen deegaankaaas waxaa ka falceliyay masuuliyiin hore uga tirsanaa dowladda iyo xeeldheerayaal amni, waxayna dowladda u jeediyeen inay qaado tillaabooyin adag jawaab u ah wixii ka dhacay Cali-guduud.

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dib weerarkaas Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa la sheegay inuu saraakiisha ammaanka shir degdeg ah la yeeshay, kana dalbaday in deegaankaas gacan bir ah lagu qabto, lagana hortago inuu kooxda Al-Shabaab dib ugu soo laabato.

Si kastaba ahaatee xeeldheerayaasha ayaa qaba inay muhiim tahay in aad loo adkeeyo ammaanka deegaannada horay looga saaray kooxdw Alshabaab, halkii howlgallada keliya xoogga la saari lahaa.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this