Sign in to follow this  
Cowke

Galmudug: Drought Worsens

Recommended Posts

Cowke   

Abar-xun-1.JPG

 

Abar-Xun.JPG

 

Abar-xun-2.JPG

 

Abar-xun-3.JPG

 

Wax Garadka Galmudug oo ka dayriyay Abaaro daba dheeraaday oo ka jira Deegaano ka tirsan GalMudug State. Daawo Sawirada BYCabdalle

 

Sept,24,2009 www.Hobyoradio.com

 

Wax Garadka Galmudug oo ka dayriyay Abaaro daba dheeraaday oo ka jira Deegaano ka tirsan GalMudug State. Daawo Sawirada BYCabdalle

 

Deegaano badan oo ka tirsan Galmudug State ayaa waxaa laga soo sheegayaa in ay ka jiraan Abaaro xoogan oo dadka iyo duunyadaba fara ba’an ku haya waxaana Arintaasi markii ugu horaysay ka hadlay qaar ka tirsan wax garadka ku abtirsada Galmudug State

 

Waxaa Caawa waraysi Gaar ah siiyay barnamijka xulashada dhacdooyinka ee ka baxa idaacadda Hobyoradio ee Galkacyo Qalinle Warsame Cadar oo ka tirsan wax garadka reer Galmudug asgoona faah faahin dheer ka bixiyay deegaanada ay Abaartu ka jirto iyo dhibaatada ugu badan ee haatan haysata dadka iyo duunyadaba ee deegaanada Dawlad Goboleedka Galmudug State Somaliya

 

Qalinle warsame Cadar waxa uu hseegay in abaartu ay ka jirto dhamaanba deeaanada Galmudug oo dhul balaaran ah “Wariye Cabdalle waad Mahadsantahay Sidoo kale waan Salaamayaa Maamulka iyo Shaqaalaha Warbaahinta Hobyoradio Intaasi kadib Magaalada Galkacyo waxaa ka baxa wadooyin badan oo aada deegaanada Galmudug dhamaana abaartu way ka jirtaa deeganda iyo dhulka miyiga ah Sida Bitaale,Bud-bud,Jila ble,qaydare, wisil hobyo,ilaa iyo xarardheere abaar xoogan ayaa ka jirtaa oo haatan Ceel Ceel kuuma sheegi karo Cabdalle” Ayuu yri Qalinle Warsame Cadar oo sidoo kalana sheegay in dadkaasi ay ubaahan yihiin Kaalmo ilaah sidoo kalana dadka udhashay Galmudug la doonayo in ay gar gaar la gaaraan

 

Waxaana baaqaani wax garadka Galmudug uu ku soo beegmayaa xili Mas’uuliyinta Maamulka Galmudug State ay wadaan kulamo ay la qaadanayaan ha’adaha samafalka kuwaasi oo maal mihii ugu danbeeyay ka dhacay xarumaha Maamulka sida xarunta madaxtooyada ee uu Madaxweyanah ka yahay Col.Max’d Axm’e Caalin iyo sidoo kale Xarunta Madaxtooyada ee Madaxweyne Axm’d Sharif Cali hilawle waxaanse jirin ilaa iyo haatan talaabo dhaafsiisan kulamada ay wada qaateen Madaxda hay’adaha iyo kuwa GalMudug State

 

Cabdalla M.C/lle

 

Hobyoradio Galkacyo

GalMudug State SOMalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this