Cowke Posted September 24, 2009 Wax Garadka Galmudug oo ka dayriyay Abaaro daba dheeraaday oo ka jira Deegaano ka tirsan GalMudug State. Daawo Sawirada BYCabdalle Sept,24,2009 www.Hobyoradio.com Wax Garadka Galmudug oo ka dayriyay Abaaro daba dheeraaday oo ka jira Deegaano ka tirsan GalMudug State. Daawo Sawirada BYCabdalle Deegaano badan oo ka tirsan Galmudug State ayaa waxaa laga soo sheegayaa in ay ka jiraan Abaaro xoogan oo dadka iyo duunyadaba fara ba’an ku haya waxaana Arintaasi markii ugu horaysay ka hadlay qaar ka tirsan wax garadka ku abtirsada Galmudug State Waxaa Caawa waraysi Gaar ah siiyay barnamijka xulashada dhacdooyinka ee ka baxa idaacadda Hobyoradio ee Galkacyo Qalinle Warsame Cadar oo ka tirsan wax garadka reer Galmudug asgoona faah faahin dheer ka bixiyay deegaanada ay Abaartu ka jirto iyo dhibaatada ugu badan ee haatan haysata dadka iyo duunyadaba ee deegaanada Dawlad Goboleedka Galmudug State Somaliya Qalinle warsame Cadar waxa uu hseegay in abaartu ay ka jirto dhamaanba deeaanada Galmudug oo dhul balaaran ah “Wariye Cabdalle waad Mahadsantahay Sidoo kale waan Salaamayaa Maamulka iyo Shaqaalaha Warbaahinta Hobyoradio Intaasi kadib Magaalada Galkacyo waxaa ka baxa wadooyin badan oo aada deegaanada Galmudug dhamaana abaartu way ka jirtaa deeganda iyo dhulka miyiga ah Sida Bitaale,Bud-bud,Jila ble,qaydare, wisil hobyo,ilaa iyo xarardheere abaar xoogan ayaa ka jirtaa oo haatan Ceel Ceel kuuma sheegi karo Cabdalle” Ayuu yri Qalinle Warsame Cadar oo sidoo kalana sheegay in dadkaasi ay ubaahan yihiin Kaalmo ilaah sidoo kalana dadka udhashay Galmudug la doonayo in ay gar gaar la gaaraan Waxaana baaqaani wax garadka Galmudug uu ku soo beegmayaa xili Mas’uuliyinta Maamulka Galmudug State ay wadaan kulamo ay la qaadanayaan ha’adaha samafalka kuwaasi oo maal mihii ugu danbeeyay ka dhacay xarumaha Maamulka sida xarunta madaxtooyada ee uu Madaxweyanah ka yahay Col.Max’d Axm’e Caalin iyo sidoo kale Xarunta Madaxtooyada ee Madaxweyne Axm’d Sharif Cali hilawle waxaanse jirin ilaa iyo haatan talaabo dhaafsiisan kulamada ay wada qaateen Madaxda hay’adaha iyo kuwa GalMudug State Cabdalla M.C/lle Hobyoradio Galkacyo GalMudug State SOMalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted September 25, 2009 INSHA ALLHA THE RAINE WILL COME Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 25, 2009 Subxan'Allah... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 25, 2009 Eebboow dadkeena u sahal oo ka saar marxaladahaan adag -- aamiin, aamiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites