Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Mareykanka oo weerar cusub ka fuliyey xilli dagaalka uu sii xoogeystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in Talaadadii ay fuliyeen duqeymo badan oo cirka ah oo ka dhan ahaa Daacish-ta Soomaaliya, iyadoo howlgalkaasi lagu fuliyay iskaashi buuxa oo lala yeeshay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarrada ayaa ka dhacay Buuraha Golis, oo ah dhul buuraley ah oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, kaas oo muddo dheer xarun u ahaa kooxda xiriirka la leh Daacish ee ka howlgasha Geeska Afrika.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeynta hordhaca ah ay muujinayso in lagu dilay dhowr xubnood oo ka tirsan ISIS-Somalia, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

“ISIS-ta Soomaaliya waxay muujisay rabitaan iyo awood ay ku weerarto ciidamada Mareykanka iyo kuwa ay bahwadaagta yihiin,” ayuu yiri taliska AFRICOM, wuxuuna intaas ku daray, “Kooxdani waxay si joogto ah halis ugu tahay amniga iyo danaha Mareykanka.”

Howlgalka Talaadada ayaa qeyb ka ah taxane weerarro ah oo dhawaanahan lala beegsanayay xubnaha kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Laga soo bilaabo 1-da Febraayo, oo ahayd dhowr toddobaad uun kaddib markii madaxweyne Donald Trump uu dib ugu soo laabtay xafiiska, AFRICOM waxay fulisay ugu yaraan afar duqeyn oo cirka ah oo lala beegsaday ISIS-Somalia, iyo dhowr kale oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Duqeyntii dhacday 1-dii Febraayo ayaa lagu dilay 14 dagaalyahan, oo uu kamid ahaa Axmed Macalinaynayn, kaas oo ahaa mas’uul sare oo ISIS-Somalia u qaabilsanaa qorista iyo maalgelinta dagaalyahannada.

Saraakiisha ayaa ku tilmaamay inuu ahaa hoggaamiye muhiim u ah howlaha dibadda, isla markaana mas’uul ka ahaa dirista dagaalyahannada jihaad-doonka ah ee gudaha u gala waddamada Mareykanka iyo Yurub. Duqeyntaasi oo sidoo kale lagu qaaday Buuraha Golis ayaa lagu burburiyay godad iyo bohollo ay ku dhuumanayeen madaxda sar-sare ee ISIS-ta Soomaaliya.

Kooxda Daacishta Soomaaliya ayaa la aas-aasay sanadkii 2015-kii, waxaana sameeyay xubno hore uga tirsanaa Al-Shabaab. Tan iyo markaas waxay isku ballaarisay awooddeeda, iyadoo noqotay halis weyn oo gobolka ka jirta.

Warbixinno sirdoon ayaa qiyaasaya in tirada dagaalyahannada kooxdaasi ay u dhaxeyso 600 ilaa 1,500 dagaalyahan, iyadoo tiradu isbeddelayso marka loo eego qorista dagaalyahannada ajaanibta ah iyo xiriirada kooxdu ay la leedahay ururrada kale ee xagjirka ah.

Daacishta Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilal qorsheysan, qaraxyo, iyo weerarro isdaba joog ah oo ka dhan ahaa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

AFRICOM ma aysan shaacin faahfaahin gaar ah oo la xiriirta weerarradii Talaadada, iyadoo sabab looga dhigay ilaalinta amniga iyo xogta sirta ah ee howlgalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this